Writen by Qaran News |

Sawirkani hoos yaalaa waa gudoomiyaha barlmaanka Somaliland ahna musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga Waddani mudane C/raxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)- oo gudanaaya waajibaadka Cimrada, waxna ay goobtaasi barakaysan kuwada suganyihiin qaar ka mid ah madaxda xisbiga Waddani.

Gudoomiye Cirro intii aanu tagin xaramka waxa uu soo maray dhowr dal oo ka mid ah geeska Afrika kuwaasi oo uu uga soo gudbay dalka Sucuudiga oo uu hada ku suganyahay.

Bashe Morgan ayaa doraad afka gacanta galiyay waxana uu ku dhawaaqay in uu C/raxmaan Cirro ku suganyahay dalka Turkiga isga oo sheegay isga oo aan wax cadayn ah haynin ayuu hadana xisbiga UCID- gaar ahaan gudoomiyaha UCID ku soo afuufay in Ciro dalka Turkiga ku suganyahay taasi oo uu sheegay in dalka Turkigu uu ka soo hor jeedo gooni isu taaga Somaliland, arintaasi oo xisbiga UCID iyaga oo aan waxba hubsan ay xalay sheegeen in Cirro Turkiga ka soo laabtay isla markaasna uu Hargeysa ku suganyahay arintaasi oo iyana been cad ah.

Dalka Imaaraadka ayaa soo fahmaaya beenta iyo wax is daba marinta Bashe Morgan iyo xukumadda uu matalaayo, waxna Bashe Morgan uu goobo gaar ah ka sheegay in madaxda Xisbiga Waddani ay xayireen dhaq dhaqaaqyadiisii siyaasadeed ee uu la lahaa dalka Imaaraadka, isla markaasina ay doorashadii wax yari ka hadhay oo aanu marnaba soo laabanynin sodogii Axmed Siilaanyo oo uu hubo in daaqada laga tuuri doono, taasi badalkeedna waxa uu xiligani kiciyay wax kasta oo uu sumacda xisbiga Waddani uu u gaysnaayo in uu ku dhaqaaqo, taasi oo ay ka mid tahay beenahani aanu iska hubin ee ku fashilmay’