Writen by Qaran News |


Sawirkani waa midkii ugu la yaabka badnaa ee ka soo dhex baxa wararka Somaliland, waxa halkani ka muuqda laba ka mid ah garsoorayaashii qaranka Somaliland oo u ololaynaaya xisbiga Kulmiye, waxna ay kala garanwaayeen xilka ay qaranka u hayaan iyo xisbiga Kulmiye oo ay si aan gabasho lahayn ugu ololaynayaan.

Ninka gaaban ee calanka Kulmiye qoorta ku sitaa waa garsoore ka hawl gala maxkamada Hargeysa waana garsoore Idiris Maxamed Maxamuud waana garsoorihii dhawaan xabsiga u diray gudoomiyaha dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame oo xukun xaqdaro ah ku riday xiligaasi oo xitaa waxba lagu waayay

maantana waxa uu u ololaynayaa xisbiga Kulmiye oo uu isu soo qaawiyay.

 

Ninka koofiyada madow xidhanina waa garsoore Maxamed Masuud Xirsi oo ka hawl gala maxkmada Gabiilay, waana ninka dheer ee koofiyada madow sita

Hadaba muwaadin ma is waydiisay garsoora noocaasi ahi hadii bari wax muran ahi uu dhex maro xisbiyada tartamaaya in ay noqon karaan garsoor dhex ah?.

 

Hay’adahii dawlada iyo kuwii bulshada qaarkood ayaa si xun dhawaanahanba ugu milmay ololaha xisbi xaakimka Kulmiye, lamana  garan karo xitaa sida loogu kalsoonaan karo gudoomiyaha maxkamada sare Adan Xaaji Cali oo isaga laftiisu uu bil ka hor uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye kala ololaynaayay gobolka Saaxil oo uu xiligaasi u raacay,

Waxana la haboon garyaqaan Adan Xaji Cali in uu dalka ka bad baadiyo dhib iyo hantaaqan dheer oo uu ku dhaco oo hadhow la isku canaanto, taasi oo ay masuuliyadeedu isaga dhakada ka saarantahay in uu saxo wixii ka qaldan garsoorka iyo cadaalada dalka oo uu ku daawanaayo waxa ay maanta samynayaan garsoorayaashii isga hoos imanaayay