Qaar ka mid ah sawirrada xulka ah ee toddobaadkii la soo dhaafay la qaaday ee ku saabsan Afrika.
Weeraryahanka u ciyaara Arsenal ee ka soo jeeda Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, oo Isniintii u dabaaldegayay goolkii uu ka dhaliyay Newcastle United.
Talaadadii, Dadka Itoobiya ee haysta diinta masiixiyadda ee Orthodox oo u dabaaldegayay munaasabadda Timkat.
… Dad Itoobiyaan ah oo safaf ku galay magaalada Addis Ababa si ay u dabbaaldegaan.
Magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, Axaddii waxaa lagu soo bandhigay naxal kumannaan sano ka hor ahayd. Waxaana xilligaas la shaaciyay in la helay waxyaabo dhaqan ah oo qiimo wayn leh.
Jimcihii, dad ku sugan bannaanka masaajidka suufiyada Sudaan ee Xamad al-Nile ee Omdurman.
Markii ay furmayeen iskuullada Ghana, Isniintii, ka dib 10 bilood oo ay u xirnaayeen ka hortagga cudurka coronavirus.
Dhaqaatiir qalab ku xirxiraya nin lagu arkay astaamaha Covid-19, meel u dhow magaalada Pretoria ee South Afrika.
We use cookies to ensure that we give you the best experience on our website. If you continue to use this site we will assume that you are happy with it.Ok