Shacabka Degmada Madheera oo 500 oo Neef o Adhi ah ugu deeqay Ciidanka Qatanka

Hargeysa(Qaran news)- Badhasaabka gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa masuuliyiinta iyo waxgaradka degmada Madheera kala wareegay 500 oo neef oo adhi ah iyo Agab kale oo iskugu jiray dhar iyo bagaash.

Badhasaab Cali Case wuxuu uga mahadceliyay deeganka Madheera kaalmada ay soo gaadhsiiyeen ee ay ugu talogaleen ciidanka Qaranka.

Cali Case wuxuu sheegay in kaalmadaasi ay tahay tii ugu ballaadhnayd ee loogu deeqay ciidanka Qaranka ee difaaca ugu jira dalka.

Toddobaadkii hore degmada Laaso-dacawo ee isla gobolka Saaxil ayaa ciidanka ugu deeqday adhi ka badan 200 oo neef oo adhi ah.