Shacab gadoodsan ayaa isugu soo baxay Laascaanood kuwaas oo ka cadhaysan dilkii loo gaystay marxuum Hadraawi Sangub.
Laascaanood ayaa waxa ku soo noqnoqday dilalka loo gaysto dadka haldoorka ah ee gobolka iyadoo inta badan aan lagu guullaysan soo qabashada kuwa dilka gaystay.
Dadweynaha mudaharaadayay ayaa xidhay waddooyin muhiim ah inkasta oo markii dambe Ciidamadu ku guullaysteen in ay dadka kala ka xeeyaan.