“Shaqaalaha Madaarka Hargeysa laba Bilood may Qaadan Mushahar” Kuxigeenka Xoghayaha Ganacsiga WADDANI
Hargeysa(Qaran news)-Xoghaye kuxigeenka Ganacsiga WADDANI Cabdirashiid Saleebaan, ayaa sheegay in shaqaalaha Madaarka Hargeysa wax mushahar ah qaadan muddo laba bilood ah.
Sidaasna waxa uu kuxigeenka Xoghayaha Ganacsiga Waddani ka sheegay mar uu warbaahinta la hadlayey waxaanu yidhi “Shaqaalaha madaarku wax mushahar ah may qadan labadii bilood ee u dambeeyay.”
“Xisbiga Kulmiye hore wuxuu u caydhiyay 40 Shaqaale ah oo uu tahli kari waayay inuu mushaharkooda bixiyo maantana shaqaalihii Madaarku waxay ka cabanayaan mushahar La’aan,” ayuu yidhi Cabditashiid Saleebaan.
Waxa kaloo uu intaas ku daray, “Xisbiga KULMIYE waxa gacantiisa ku maqan xuduudihii dalka haddana shaqaalihii hawada ku gorgortamayay buu mushahar la’aan dhigay.”