Writen by Qaran News |

Shaqadu Dhac-dhac Ma Leedahay? W/Q Maxamuud Xeef

Hadaladani waa kuwo in badan aan ka maqlo bulshada reer Somaliland ha ahaato mid aqoon sheeganaaya oo waxbaratay amaba mid aan waxba baran, waxaana xaqiiq ah in labadooduba ay ka siman yihiin damaca aan manfac lahayn ee xatooyada iyo dhaca ah ee hantida umadda ee loo siman yahay, kaas oo aan loo meel dayin, laguna lunsado sifo khaldan.
Waxaana intaas sii dheer in si qabyaaladaysan shaqaalaha dawlada iyo kuwo kaleba ee ka shaqeeya goobaha gaarka loo leeyahay ay ka jirto arintani oo ah si aanay cid kale u soo dhex gelin oo aan loo fahmin lunsiga iyo boobka jira, taas oo mararka qaar keenta inaad aragto goobo shaqo oo ay dadka ka hawl gala ay dhamaantood amaba badi ay yihiin dad ka soo wada jeeda hal qabiil.
Dhac-dhac, waa eray dadban amaba dusha laga huwiyey musuqmaasuq waana gunta iyo arinta ka danbeysa musuqa ka jira Somaliland oo ah waxyaabaha dib u dhigay horumarka dadka iyo dalka ee dhinac walba leh, haday ahaan lahayd waxbarashada, caafimaadka iyo horumarada kale ee tirade badan.
Lacagaha la bixiyo amaba soo gala shaqaalaha haayadaha iyo dawlada amaba mid gaar ah oo aan ku jirin mushaharka uu qaato qof shaqaale ahi oo aan xisaabta ku jirin ayaa ah dhac-dhac, waana mid qofka ku soo gasha badi hab aan sharciga waafaqsanayn oo ka baxsan, waxaana badi dadka arimaha dhaqalaha ku xeesha dheeri isku raacsan yihiin inay tahay arin musuqmaasuq ah oo cad halisna ku ah jiritaanka dal iyo horumarka dadkiisa oo dhinacyo badan ah.
Somaliland waa dal aan dunida ka haysan citiraaf, balse waxyaabaha dib u dhigay waxa ka mid ah musuqmaasuqa oo ay sabab u tahay lacagaha faraha badan ee ku baxa xisaab la’aanta ee loo bixiyey dhac-dhaca, inta ay arintaasi jirtana horumar in la gaadho iyo cadaalad maaha mid fudud.
Mahadsanidiin.
Maxamuud Xeef
mohamoud.heef@gmail.com