Sheekh Almis wuu gefay, gefka na bashar buu u yahay ee ha loo sheego.

Sheekh Almis hadalka uu ka yidhi geerida Hadraawi wuu ku saxanyahay, hadalka uu ka yidhi dadkii rayid ka ahaa ee kibirka loo laayay na, wuu ku qaldanyahay. Bal hadda eega.
Hadraawi jaar baan la ahay oo cidiba ma soo booqan jirin markii uu bukayba ee maxay imika is la xabeebinayaan, ee ilmada yaxaaska la qubayaan buu dulucda warka Sheekhu ahaa, waana gar iyo daw midhkaasi. Niman bankcrapcy ku dhacay baa intaas sumcad ka raadinaaya. Muuse oo u diiday baloodh loo dhiso markii uu bukay ayaa ka mid ah, iyo ina Kaahin oo aan maalin keliya soo dul joogsan!
Geesta kale, Sheekh Almis oo dhawaan hadlay, shicibkii badheedhka, iyo u kas ka loo laayay, iyo dadqalnimadii wadanka ka dhacday, ayuu wax ka yidhi, wax qaldan baanu ka yidhi. Dadkii ruqsadda loo siiyay in ay isu soo baxaan oo diidmadooda muujiyaan, ee markii ay guryahooda ka soo baxeen na, xabadda loo nacay, ayuu yidhi dhiigooda waa u simanyihiin kuwa darandoorri ga xabadda u la dhacay, iyo kuwa xisbiyada ah ee shicibka isu gu yeedhay, daliil aan dooddiisa taageerayn na wuu mariyay! Qofka qof muumin ah kas u dila, cadabta ayuu gelayaa, oo ku waarayaa aayadda ah buu akhriyay. Xadiiska nebiga ee ah qof muslin ah oo la dilo, ayaa ilaahay agtiisa ka la culus dunida oo haliganta, na wuu raaciyay, waxaanu yidhi kuwa shicibka miskiinka ah qudha ka jaray, iyo kuwii u gu baaqay isu soo baxu dembi ahaan waa is ku mid! Exactly sidaas buu yidhi. Sheekhu nin sumcad leh, oo kabo qaadnimo iyo ka ag dhawaansho dawladeed aan la gu aqoon weeye. Nooca Sheekh Cabdiraxmaan-dheere ee tolaay ka kacaay da ah ma aha, hadana tan baa ka soo yeedhay. Geesinimo wuu muujiyay oo daalimiinta xukunka haysa canaantay, laakiin dhiigii ay kibirka u daadiyeen cid baa u la siman buu yidhi. Sheekhu ha is ku noqdo waa la noolaanne.