Sheeko soo taxan Dagaalkii Faqashta 1984,Kii Berbera 1992 & kan Laascaanood 2023….”Hoojintii Axmed iyo Huqdii Cudbi!”
Dhacdooyinka iyo masaa’ibka dunida meerayaa marar badan inaka oo aan dareensanayn ayay hareeraheena ka dhaccaan oo inna ag maraan. Meel inagu dhow iyo meel inaga dheer ba waa ka dhacaan, badanka na ma inna taabtaan. Haa, ma inna taabtaan iyada oo aynu inta yare e kooban, ee dhacdooyinkaas iyo masaa’ibtaas faraha ku la jirta ee maamulaysa ka mid nahay mooyee. Marar ka qaarkood, ayay dhacdaa in si ku talagal la’aan ah, ay isu taabtaan doonta aynu saaranahay iyo kuwa masiibaysan ee wareegaaya. Mararka qaarkood, amyuro dhacay ka hor intii aynaan dhalanin, ayaa sii jeexa jidka aynu mari doono. Dunida ayaynu ku soo biirnaa innaka oo khabaar moog ah, oo aan ka war qabin xaqiiqada ah in dariiqii mustaqbalku uu is qoray oo diyaar yahay. Sidii diyaarid hal kursi oo kaga ahi u dhimanyahay, ayaynu ku soo boodnaa oo halkii boos ee banaanaa buuxinaa, markaas bay inala haaddaa. Oo diyaaraddu xagee u socotaa?, In aad jawaabta garanayso ayaa la moodaa, laakiin runtu waa in aanad garanayn.
Axmed yare, 30 jir, ay dhashay Cudbi oo aan daris ahayn sodoemeeyo sanno hortood ayaa sidaas ah. Waa kan sariirta jiifa. Waa sariir cisbitaal ee ma aha mid uu dookhiisa ku jiifsaday. Halkaas labada garab dhexdooda, oo gaar ahaan silsiladda lafdhabarta ah ayay xabad ololaysaa, oo halkaas kalxanta hoosteeda jidhkiisa ka soo gashay ka baxday. Nin aanay is garanayn oo doonaayay in uu dilo ayaa halkaas ka la helay, dhab ahaan na wuu ba dilay. Wuu dilay, laakiin hadana waa kan nool. Haa, wuu noolyahay, waxba se ma ku noola. Marka Afrika la joogo, dhaawacyada qaarkood dhimashada ayaa dhaanta. Hadii ay jirto wax dhaawac iyo dhimasho u dhexeeyaa, oo magac loo gu yeedho leedahay, waa xaaladdan Axmed ku jiro ee madaxa oo keliyi dhaqaaqaayo. Hooyadii Cudbi oo agoonimo ku soo korisay baa dul fadhida cisbitaal Addis Ababa ku yaalla. Inantoodii Hodan ee waatii aan inankayaga waayaa ku dhaaran jirtay marka ay dhanaantahay, xaaskiisii iyo caruurtiisii na, Hargeysa ayay ka ga war sugayaan iyaka oo u rajaynaaya in uu cagihiisa is ku taago, ma se muuqato.
Ka dib markii uu duleedka Laascaanood ku dhaawacmay, ee loo safriyay dhinaca Hargeysa, hal cabaar ah baa la gu hayay cisbitaalka ciidanka ee Hargeysa. U fiirso, cisbitaalka waa la gu hayay ee la gu ma dawaynayn, maxaa yeelay xalaadiisa waxba la ga ma qaban karayn. Waxba la ga ma hagranayn ee tamar baa sidaas noqotay. Qoysku awood dhaqaale ma laha, Axmed oo madinimo darted hore loo gu guuriyay iyo hooyadii ayaa guri ku wada jira, waxaanay quutaan wixii uu askarinimo ku soo helo. Markii la toltolay nabaradii xabaddu oogada sare ku reebtay ee ay bogsadeen, ayaa Axmed qoyskiisa loo sheegay in ay guriga geeyaan oo ku haystaan, maalintaas baana dad ba isugu dambaysay. Waxad moodaa in aan abidkii loo baahanin oo aanu micno lahayn. Caleen yar oo geed ka go’day inta ay geedka micno u leedahay in leeg buu Axmed u lahaa kuwii uu ka mid ahaa, amaba uu moodaayay in uu ka mid ahaa.
Axmed aabihii Warsame isaga oo dhalinyaro ah ayuu jabhad noqday. Aabihii oo Axmed kan awawgii noqonaaya, ayaa magaalada Sheekh la gu dilay 1984kii, keligii baanu dhalay. Jabhaddii SNM niman ka mid ahaa ayaa magaalada meel u dhow jidgoyn ka sameeyay oo baabuur dawladdii Maxamed Siyaad lahayd ku burburiyay, askar na ku laayyay. Dawladdu iyada oo falkaas ka cadhootay, ayay dadkii rayidka ahaa ee magaalada Sheekh soo ururisay, bishii November ee sanadkaas baanay 14 nin iyo hal ruux oo dumar ah dhegta dhiiga u dareen bilaa maxkamad. Gabadha waxa la gu eedeeyay in ay falka jabhadda u mashxaradday. Axmed-yare awawgii sidaas nasiib darada ah buu xabad u gu dhintay. Xaaladda taas ah ayaa Axmed aabihii oo Warsame ah ku hogaamisay in uu jabhad noqdo, todoba sanno ayaanu si adag u ga dagaalamay goob kasta oo uu ku soo beegmay. Maalintii uu ka soo badbaaday halaagii dhacay oo dhan, ee SNM qabsatay goboladii Waqooyi, ayuu bilaabay in uu salka ka dego oo gursado. Sidaas iyo sababtaas ayay Cudbi ku kulmeen oo qoys ku disteen isaga oo 25 jir ah. In kasta oo waxgarad iyo waayo arag ba uu ahaa, hadana ma ku filnayn oo in uu dagaal kale galo ka ma baajin khibradiisu.
Cudbi iyada oo Axmed iyo Hodan oo mataano ah uurkooda leh, ayuu Warsame ka qayb galay dagaal micno darro ah oo Berbera ka dhacay, waanu ku dhintay 1992kii. Isaga iyo nin ay jabhadda wada ahaayeen, oo guri na ku wada jireen, ayaa dagaalka Berbera ku soo wada dintay, iyada oo ay labada saf e dagaalka is ka ga hor jeeda ku ka la jiraan. Is ku mar baa warkii geeridoodu soo gaadhay labadii dumar ahaa ee ay qabeen, ee guriga ku wada jiray. Waa xasuustaa oo dhacdo naxdin leh ayay ahayd, maxaa yeelay labada nin ba waa aqaanay. Cudbi maalintaas ayay moodaysay in naxdin iyo calool xumo oo dhami u dhamaatay, xalaaddan Axmed ku suganyahay, ee geeri iyo nolol aan midnaba ahayn baa se maanta u ga sii daran shaki la’aan. Waa jiilkii saddexaad oo xabadi salfato, is la xabadaas lafteeda ayaanay aabihii iyo awawgii ba ku baxeen, sababta iyo duruufahoodu ha ba ka la duwanaadeen.
Addis Ayaan Cudbi ku la kulmay is la bishan May ee 2023 ga horaanteedii. Waa ka xumaaday dhab ahaan xaaladda ay ii ga warrantay, in aanan waxba u qaban karayn na waa ka sii xumaaday. Waxa ay ii sheegtay in Axmed uu caruur badan dhalay, badankoodu na aad u yaryaryihiin. Waxa ay ii sheegtay, in Xassan Yoonis oo waagaas ahaa taliyaha ciidamada Somaliland, uu gunno u qoray, wiilka marka oo 15 jir gaadho na, uu u gu balan qaaday in ciidanka loo qori doono. Sidaas baa Axmed oo markaas uun guursaday ciidanka loo qoray, dagaal uu galo iyo xabad uu rido na tan Laascaanood baa u gu horaysay. Cudbi waxa ay I gu tidhi, intii xabaddu qaraxday ba, wadnahaygu ma garrayn. Tobanaan jeer baan u sheegay in uu meeshaas iskaga yimaaddo, ma se yeelin. Mar walba waxa uu I gu odhan jiray, ayay hooyo Cudbi tidhi, oo caruurtii maxaan siiyaa?
Si kastaba, Cudbi iyo Axmed qisadoodu aad ayay ii damaqday, sida aan geeridayda u hubo ayaanan u hubaa tobanaan iyo boqolaal xaaladood oo taas la jaad ah amma ka sii darani in ay jiraan labada dhinac ba. Xabad xun oo daxalaysatay, oo ka dhacaysa qori xun oo daxalaystay, oo beri hore dunidu ka baxday, oo ay is ku ridayaan wiilal yaryar oo aan si dhab ah u garanayn waxa ay is ku dilayaan, kuwii dabka geliyay na aanay muraad ka lahayn, xaqiiqada taas ah ee Axmed oo kale ayaa ka soo baxda. Caruurtii uu dartood halista u galay, inta noloshiisa ka hadhay ayay kaadida jiifka ka ga qaadi doonaan, qof ilaahay abuurtay oo ka war qabi doona xaaladiisu na ma jiro, marka la ga reebo qoyskiisa.
Kuwii Axmed dagaalka geliyay, iyaka iyo wiilashooda oo aad u barwaaqaysani hadba hotel Hargeysa ah ayay ka cunaan raashin qaali ah, marka ay dhergaan na, dibirada ayay hadba meel la jiifsadaan. Axmed oo kale iyo kuwa goobahaas nafwaaga ku haligma, marka ay saxaafadda la hadlayaan waxa ay u gu yeedhaan halgamayaal ciidda difaacaaya. Laakiin marka ay gaarka yihiin, waxa ay u yaqaanaan dad loo ma ooyaan ah oo is ka dhintay. Lacagteena ayaa rag dhinta iyo xabad la rido ba innoo haysa, ayay si xishood darro ah isugu yidhaahdaan. Abidkay waan maqli jiray halhayska ah ‘noloshu cadaalad ma laha – life is not fair’. Marka aan arko nin habeen iyo maalin dagaal u ololaynaaya, oo fagaare kasta ka ga baaqaaya, laakiin aanay isaga iyo caruurtiisa toona wax dhib ahi soo gaadhayn, xariiq yarn a ku dhehoo, oo hadana dagaaladaas uu shidaayo ay rag ssidaas Axmed oo kale ahi ku haligmayaan, baan idhaahdaa haa, noloshu cadalad ma laha!
(Fiiro gaar ah: Axmed, iyo Cudbi iyo Warsame, ma aha magacdoodii dhabta ahayd. Qisada inankooda iyo qoyskka guud ahaan in aan si aad u faahfaahsan wax u ga qoro oo baahiyo ma ay ii fasixin, sidaas darted baanan magacdooda u bedelay.)