5 qof ayaa ku dhintay tirro kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Maqaaxida-inanta ee duleedka galbeed ee magaalada Hargaysa.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaadhi Nooha ah oo dad sida iyo baabuur Dhayne ahi isku dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo ku sugan Isbitaalka Guud ee Hargaysa oo la dhigay maydadka dadka dhintay, isla markaana, lagula tacaalayo dhaawacyada.

“Waxa shil aad iyo aad u xanuun badani ka dhacay Maqaaxida-inanta, ilaa hada 5 qof ayay dhimashadu maraysa 3 dumar ah, ilmo-yar iyo ninkii Noohada waday ayaa dhintay” ayuu sarkaalku warbaahinta u sheegay.

Ehelada dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa ku soo xoomay Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, oo la dhigay maydadka dadka shilka ku dhintay isla markaana, lagu dabiibayo dadka dhaawacmay.

Hol