Hargeysa,(Qaran news)-Shilinka Somaliland ayaa dhowrkii cishe ina soo dhaafayba kor u soo kacaayay marka la isku sarifaayo dollar’ka Maraykanka.
Boqolka dollar ayaa hore u gaadhay Hal milyan iyo 80 kun oo shilinka Somaliland ah xaga uu maanta ku soo dhacay Hal milyan iyo 10 kun oo shilinka Somaliland.
Dadaalkani kor loogu soo qaadaayo qiimaha shilinka Somaliland ayaa waxa qaaday xukuumadda Somaliland iyada oo Banka Somalilandna uu si fiican uga hawlgalay dib u soo celinta qiimaha shilinka iyada oo Baanku uu suuqa ku soo daayay lacag dollar ah oo aad u faro badan.
Waxana la filayaa in ayaamaha soo socda uu shilinka Somaliland uu sameeyo isbedel aad u balaadhan.
Sidoo kale waxa maanta hoos u dhacay shiidaalka siiba Badroolka iyada oo la filaayo in maceeshada iyo alaabooyinka kale ay iyana hoos u dhici doonaan.