Hargeysa(Qaran news)-Magaalada Hargaysa waxa ka qabsoomay Shirwaynaha Caalamiga ah ee cilmi baadhista (15th Multidisciplinary International Research Conference).

Shirkan oo sannadkan lagaga hadlayey Isbeddelka cimilada, horumarinta tacliinta sare iyo dagaalada ka dhasha khayraadka dabiiciga ah.

Shirkan caalamiga ah oo qabsoomaya sanadkiisii 15aad ayaa waxaa soo qaban qaabisay Jaamacadda Admas .waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada Marwo Shukri Xaaji ismail Baandare iyo Agaasimaha Guud Maxamed Cabdillaahi Ducaale, masuliyiin dawladeed, madaxda jaamacadaha, sharkadaha ganacsiga iyo aqoonyahan tiro badan oo ka socday dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo marti sharaf kale oo Badan.