Shir ku Saabsan Caqabadaha soo Wajaha Qodista Ceelasha Dhaadheer oo lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Md. Saleeban Yusuf Cali Koore oo uu wehelinayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Jamac Warfaa, ayaa maanta furay shir ku saabsan caqabadaha ka horyimaada qodistata Ceelasha dhaadheer iyo sidii loo gaadhi lahaa xal-waara.
Kulankan ayaa waxa ka soo qaybgalay dhammaan daneeyayaasha biyo soosaarka sida shirkadaha qodista ceelasha, Sahaminta biyaha, hawl-wadeenada iyo Ingineerada Wasaaradda.

Intii u kulankani socday waxa lagu lafa guray Caqabadaha la soo gudboonaada Ceelasha Dhaadheer xiliga laqodaayo iyo sababaha keena.