Shir lagu falanqeeyay Adkeynta Ammaanka oo lagu qabtay Gobolka Hawd
Baligubadle (Qaran news)- Guddoomiyaha gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan (Xoosh), ayaa kulan la qaatay guddida nabadgelyada ee gobolka Hawd, kulankan ayaa ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha.
Guddoomiyaha gobolka Hawd ayaa sheegay in nabadgelyada guud ee gobolka Hawd ay fiican tahay, isla markaasna xuduudihiisu sugan yihiin, waxaanu intaas ku daray in wixii sharcidarro ah ee gobolka soogalaya laga wada shaqeeyo.
Sidoo kale waxa uu laamaha amaanka ee gobolka Hawd ku boggaadiyay sida ay heeganka ugu yihiin ilaalinta nabadgelyada, la dagaalanka koontarabaanka iyo sugida xuduudaha gobolka.
Taliyaha booliska qaybta gobolka Hawd ayaa sheegay in afarta degmo ee uu ka kooban yahay gobolka Hawd, ayaa sheegay in waxa dhibta ugu badan gobolka ku hayay uu ahaa Khamriga, balse hadda aad loola dagaalamay, waxaanu xusay in markasta ay heegan u yihiin ilaalinta iyo sugista amaanka gobolka iyo degaanada ku teedsan.