Shir Lagu Samaynayo Dallada Daryeelka Carruurta oo Lagu Qabtay Hargeysa
Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta furay kulan lagaga tashanayo saamaynta dallada xarumaha daryeelka carruurta.
Waxaana madasha ka soo qayb galay badiba maamulayaasha xarumaha daryeelka caruurta oo ka kala Socday dhamaan gobolada dalka waxaana kulanka wasaaradda ku wehelinaayey hay,adda SOS Children’s Villages Somaliland oo dhankeeda wasaaradda kala shaqaysa arrimaha caruurta.
Ugu danbayn waxaa madasha laga soo jeediyay talooyin la xidhiidha Arrimaha caruurta ku jirta xarumaha daryeelka caruurta iyo maarayn tooda.