Writen by Qaran News |

Tani waa rajaddii shacabka oo u sacabo tumaayey markii ay maqleen in xukuumada Somaliland ay heshiis la gashay shirkad carbeed oo taariikh ku leh horumarinta dekeddaha caalamiga ah, waxaa jiray iftiin rajo oo ay sawirteen badi dadweynaha Somaliland yar iyo weynba waxaana jirtay sidoo kale yididiilo abuuritaan shaqo si kumanaanka da’yarta ahi uga baxaan shaqo la’aanta faraha ka baxday ee ku habsatay aqoonyahaniin lagu soo tabcay oo aan wax shaqo ah haynin oo hablo iyo wiilalba leh.
Balse, sidii ay sawirteen dadkaasi arintu umay dhicin, waxaana si soo noqnoqnaysa u taagan dood ka dhex aloosan, maamulka dekedda Berbera ee DP World hoostaga iyo muruqmaalka sannooyinka ka soo xoogsanaayey dekedda oo sida ay ku doodayaan xaqoodii la duudsiyey, waxaana halkii laga filaayey shaqo abuur ay shirkadan carbeed ay badalkeeda sameysay dhimid shaqaale oo magaalada Berbera ka kicisay banaanbaxyo ay dadku ku muujinayaan dareenkooda kagana soo horjeedaan go’aanka shirkada DP World kuwaas oo u dhacay si nabadgelyo ah.
Tiraba dhawr jeer oo isxig-xiga waxa soo gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera wufuud wasiiro u badnaa oo ka socda dawlada Somaliland, kuwaas oo ay ku jiraan wasiiro goob joog ahaa xilligii heshiiska laba geesoodka ahi dhex maraayey Somaliland iyo DP World, laakiin arinta cabashadu haddana waxay dib u soo cusboonaataa maalmo yar ka dib iyada oo u muuqata sidii mid cusub oo aan waxba laga qaban.
Dhinaca kalena, ganacsatada iyo shirkada DP World waxa dhextaala dood adag oo balaadhan, taas oo ay maamulka dekaddu ku doonayaan in ay ganacsatada ama cidda wakiilka u ahiba ay qaataan aqoonsidda la ogol yahay ee dekedda lagu soo geli karo, wax laga diri karo, waxna laga soo dejisan karo, waxaanay ganacsadata iyo wakiiladooduba ku doodayaan in ay ka horeeyaan waxyaabo badan oo ka hor in meel la isla dhigo oo la isku afgarto, sidoo kalena ganacasadu waxay ka cabanayaan in maraakiibta dekedda ku xidhan ay halis ugu jirto in ay xumaato badeecadoodu ama wax soo gaadhaan taas oo khasaaare ku ah ganacsigooda.
Fikraddaha ay qabaan dadku ayaa sidoo kale xusid mudan, waxaanay weli su’aali ka taagan tahay, meeday balaadhintii dekeddu iyo dib u habeyntii ay Somaliland iyo DP World ay kala saxeexdeen, xaguu ka baxay qalabkii cusbaa ee casriga ah ee dekedda lagu soo kordhinaayey, waxaana muuqta in arimahaas iyo kuwo kaleba ay su’aalo ka imanayaan.
Haddaba, sida ay muujinayaa sawiro laga soo qaaday gudaha dekedda waxa jira burbur ku dhacay qalabkii dekedda waana ta loo badinaayo in ay keentay dib u dhaca hanaan socodkii shaqada dekedda oo ay ku xidhan yihiin maraakiib badan, arintan ayaana walaac ku sii abuuraysa.
Ugu danbeyntii, waxa wanaagsan in la dayactiro qalabka dekedda kuwo kalena la keeno si shaqadu ay u socoto, waxaa sidoo kale haboon in la xaliyo khilaafyada soo noqnoqonaaya ee ka dhex taagan shirkadda DP World oo dhinac ah, iyo ganacsatada iyo muruqmaalka oo dhinaca kale ah.
Mahadsanidiin

 

 

Maxamuud Xeef