Shirka Beelaha Garxajis Maxaa keenay?

Shirka beelaha Garxajis ee Burco waxa uu bilow u yahay dib u radinta Somaliland tii la gu heshiiska ahaa, beelaha kale oo dhami na waa shirayaan. Dabcan shirarkaas dan baa keentay, maxaa yeelay ninkii xukunka loo dhiibay ayaa taladii la ambaday.
Muuse isaga oo aan tamartii kelitaliye buuro ah la gu noqon jiray lahayn, oo aan xataa boqolkii toban na ka haysan, ayuu qorshastay in uu talada keligii is ku koobo, oo dookhiisa uu sharci ka dhigo. Eeg hadda, waxa uu leeyahay doorashadii sharciga ahayd ee madaxtinimada ma qabanaayo, maxaa yeelay aniga ayaan doonayn. Hadii mudaharaad dadweyne la sameeyo oo si nabadeed loo ga hor yimaaddo tayda na, xabad kibir iyo fulaynimo oo bilaa tudhid ah baan dadka aan hubaysnayn ee shicibka ah madaxa iyo dhabarka ka la dahcayaa. Maxkamadaha hadii aad tagtid oo sharci darada ka dacwootid na, aniga ayaa kuu sii fadhiya oo qaanuun aan dookhayga ahayni ma ka shaqeeyo. Hadii aad baarlamaanka aadid oo wax xal noqon kara ka soo curisid na, Golaha doofaarada ayaan u fadhiisanayaa oo sharciga ba tanagga xashiishka ayaan ku ridayaa, wixii aan anigu doonaayo uun baana doonaan. Hadii ergooyin iyo dhexdhexaadin la galo na, albaabka ba ka furi maayo, hadii aan ka furo na, waxba ka dhegaysan maayo. Talada keliya ee saxda ah, ee sharciga ahi waa anigu sida aan jecelahay ee yeel, hadii kale waan ku yeelsiin.
Sidaas weeye xaalka dhabta ah ee Somaliland manta ku sugantahay, iyada oo aan la ga badbadinin la na khafiifin. Marka ay sidaas tahay, waa dabiici kolka ay xaajadu dhabaqdo, in wax garadku isu yimaadaan, oo ka arrinsadaan wixii wax-ma-garatadu qarribtay iyo wixii la ga yeeli lahaa. Doodda Muuse ma aha mid la qaadan karo, xataa hadiiba la qaato na, waa tii la gu jabaayay. Waaba intaas uun shirkan sababta keentay, keligii na ma aha ee beelaha Somaliland oo dhan ayaa gooni-goonidooda iyo si wada jir ah ba u shiraaya. Beesha Garxajis waxa keenay in ay shirarkaas hormuud u noqoto, dhib gaar ah oo aan beelaha kale haysan ayaa la gu hayaa, dulmi iyo adiyad aan wax sabab ah lahayn baana ku socota. Sidaas darted, dhibatooyinka gaarka ku ah na wax bay is ka weydiinayaan, kuwa ay dadka la wadaagaan na, beelaha kale ee waddanka ayay ka la xaajoonayaan. Waaba intaas uun.