Shirkad Ku fashilantay Ballanqaad ay Shacabka Reer Somaliland Ugu Bushaaraysay.

 

Qiimaha iibka Shidaalka oo Kor Usocda iyo Shirkada Hasspatrolium oo Ku Ceebowdey Qiimaha jaban Ee Ay Shacabka Ugu Bushaareeyeen.

Guud ahaanba Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland ayaa laga dareemayaa, Kor u Kaca Qiimaha Shidaalka, oo Indhawaale Kor uga Sii Socday qiimihii uu taagnaa, iyadoo uu hadda Ku Socdo Littirka Petrolka ahi 10.000 Sl shilling ah.

Qaar Kamid ah Ganacsatada Somaliland oo hore ugu Dooday, in Shidaalka Cid gaar ah Kooto loogu Xidhay, Sida Maamulka Redsea Petroleum haddana Waxaa Soo afjarey Qoddobkaasi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi sheegay, in Keenista Shidaalku Ganacsatada Somaliland Xor u tahey iyadoo Mudooyinkaasina Shacabka Warbaahinta qaarkeed u Sheegtay in Markab Shidaal Jaban Sida oo ay Leedahay Shirkada Dahabshiil uu Kusoo xidheya Dekedda Berbera, iyo Waliba Shirkada Hasspetroleum iyadduna Shacabka ugu Bushaaraysay, in ay u Keentay Shidaal jaban haseyeeshee uu Waxba kama Jordan Noqday, Shidaalka Hass u Sheegtay Shacabka.

Sikasta oo ay Tahey Inkastoo Dadweynaha Reer Somaliland isweydiinayo, Sababta ay Ganacsatada Shidaalku u Qaaliyaynayaan Iibka Shidaalka oo aan maalina Maalinta Kale Ku darreyn Kor ukaca Shidaalka, Waxaaney bilaabeen Qiima Korodhkiisa, Xili aaney Wax Durruuf ahi Ku Lamaaneyn Ganacsiga Shidaalka Guud ahaanba Dunida iyo Barriga Dhexe iyadoo uu Xiligan ka Qaaliyoobay Dalalka Yurub Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine iyadoo Dalalka uu Ka Qaaliyoobayna Ingriisku Kamid Yahey.