
Shirkada diyaaradaha ee Flydubai waxa ay sheegtay in duulimaadyadii Dubai – Hargeisa iyo Hargeisa – Dubai dib u bilaaban doonaan 12 March. Tafaasiil kale oo faahfaahsan shirkadu ma ay bixin.
Hadaba, dadka dhoofayaa 2 qodob ha ogaadaan:-
1. Duulimaadka Hargeisa – Dubai ee 12 March waxa uu sii mari doonaa Djibouti oo uu transit ku ahaan doonaa 1 saac.
2. Ma jiri doono connection ama duulimaadyo ka baxaya Dubai oo tagi doona Ciraaq, Bahrain, Iran iyo Qatar. Sidaa daraadeed, qofkii dalalkaa u socdaa ma helayo duulimaad ama connection ee ha hubsado.





