Shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Group ayaa aad uga xumaatay dabka ka kacay suuqa weyn ee Addis Ababa dabkaasi oo gaystay khasaare balaadhan.

Hadaba qoraal kooban oo ay shirkada Dahabshiil Group-ay ku baahiyeen barta ay ku leeyihiin X- qoraalkaasi oo ku qornaa farta Ingriisida waxa uu u qornaa sidani hoos ku xusan.

Shirkadda Dahabshiil Group waxa ay aad uga xun tahay khasaaraha ka dhashay dabkan oo saameeyay dadka, hantida iyo nolosha.

Dahabshiil waxa ay la garab taagan tahay bulshadeeda iyo macaamiisheeda, iyada oo taageero ka siisa meel kasta iyo mar kasta oo loo baahdo.

Click here to read more