Dhowr diyaaradood oo caalami ah ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen garoonka diyaaradaha ee Bayruut, iyadoo la filayo in Israaโiil ay weerar ku qaaddo Lubnaan, taasoo jawaab u ah dhimashada laba iyo toban qof iyo dhaawaca dad kale markii gantaal uu ku dhacay garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla magaalada Majdal Shams, ee Golan ee la haysto Sabtidii ina dhaaftay.
Diyaaradda Lufthansa ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay saddex duulimaad oo ay ku tagi lahayd Bayruut oo la qorsheeyay in ay baxaan gelinka dambe ee maanta, sida laga soo xigtay jadwalka duullimaadyada iyo kan imaatinka ee garoonka.
Xogta laga helay xaruunta dabagalka duulimaadka ee FlightRadar24 ayaa muujisay in Turkish Airlines ay baajisay laba duullimaad habeenimadii Axadda,halka shirkadaha diyaaradaha SunExpress, AJet,Aegean Airlines ee Giriiga, Ethiopian Airlines iyo East Middle Airlines ay baajiyeen duullimaadyo ay ku tagi lahaayeen Bayruut Isniinta maanta ah.
bbcsomali