Writen by Qaran News |

Mudooyinkii danbe dadka ku dhaqan Somaliland iyo guud ahaan somalidu waxaa haystay wax loogu yeedho sicir barar kaasoo ay keeneen sababo dhowr ah oo la sheeg sheego iyo qaar aan la sheegin oo laga baydhbaydho tilmaamidooda waxaa ka mid ah waxaa kor u kacay qiimaha doolarka kadib markii xukumadu xaraysatay oo uruursatay lacagta dolarka taasoo keentay in uu suuqa ku yaarado yadoo ku bedelatay lacagta shilinka Somaliland oo ay suuqa ku soo daysay kadib markii ay soo dabaacatay lacag farababan farabadan oo u badan nooca ah shanta kun ee isku yaala taasoo isku darsatay muuq yaraan iyo xadi badnaan hada garoo lacagtaa intaa leeg ee lagu soo badiyayay suuqa cidiba wax kuma kala iibsato wax walba oo dalka yaalaa oo lagu kala iibsado waxaa lagu iibiyaa dolar haday tahay maceeshada daruuriga ah , qalabka dhismaha ,marada la xidho ee cawrada lagu asturo iyo dhamaan waxaa alaab faraha iyo ciida ka badan ee suuqa buux dhaafiyay kuwaas oo dhamaan laga sooo waariday debeda min gaadhi tareenle ah iyo guri ilaa findhicilka ilkaha lagu findhicisho oo dabcan markii horeba lagu soo iibsaday dolar kasoo marka danbena ganacsde walba ku sii iibiyo alaabtii uu markii horeba dolarka soo siisatay oo uu jumlad iyo tafaariiqba ku bixinayo.

Habada waxaa jirta ganasato yar yar oo daba maxaafsata kuwa waawayn ee yagu dolarka isticmaala waxay isugu jiraan wadhata suuqa,wadhata qudaarlayda iyo wadhatada dukaanlayda yaryar waxay ganacsatada waawayn badeecada kaga soo iibsadaan dolar oo yagu aan aqoonba shilinka Somaliland siduu u eegyahay ma lax baa ku sawiran mise orgi waayo waxna kuma soo iibsadaan waxna kuma sii iibiyaan, yaguse waa wadhatee waxay isticmalaan shilinka Somaliland oo keligood ku keliyaystay oo ay wax ku sii iibiyaan waxaa wax ka iibsata danyarta aan yagu dolarka aqoonba sida uu u eegyahay inay maqlaan mooyaane marka laga reebo midh midh debeda beri hore qof ay qaraabo yihiin uga soo diray boqol dolar oo bidaar leh kasoo bidaartaas xasuusta uun sidaa awgeed halkaas waxaa ka dhacay cawaaqib xumo wayn oo ah ganacsadihii waynaa ee alaabta soo waaridayay waxaa u qaali garowday badeeecadii uu iibinayay kadib markii dolarkii uu wax ku iibinayay ay xukumadii xaraysatay ee ay ku soo bedeshay lacag aanu aqoon hadana ka shaqaysa dalka uu ka dhex ganacsado tasoo aan isaga waxba u dhimayn laakin waxay dhibta ugu wayni haysaa ganacsadihii yaraa ee mr wadhato yaanyo baradho basal iyo kab dacas ah sababtoo ah ninkii uu wax ka soo iibsan jiray alaabtii qiimaheedii wuu labanlabaay isagiina halkii ay markii hore taagnayd ayuu wali tagan yahay waayo danyarta wax ka iibsataa maba qaadi karaan wax intaa ay markaa hore taagnayd ka badan markii hore qaali aad ah ayay ku ahayd oo maqadaan ma dhergaan ayaa dalka looga yaqaanaa oo uu ka qoran yahay, marka xaal halkaa marayo meeshaas waxaa ku khasaaray oo kaliya mr wadhato oo talo ku cadaatay kadib markii rasamaalkii iyo macaashkii markii horeba iska yaraa ay isku mid noqdeen oo halkii markii hore uu kabta bidix ee dacaska ah ka siin jiray tusaale ahaan 2000shl ah oo ay u saarnayd 500 shl imika ganacsadihii cimlaaqa ahaa labadii kun iyo shantii boqolba isagii ayaa isku darsaday amaba wuu ka badiyayba waxay maraysaa sadex kun rasamaalkii +macaash+korodhkii ku yimid qimaha alaabta oo shan boqol ah sidaas oo ay tahay ganasatadii yaryarayd ee mr wadhato halkaas way ku laablaabatay oo way khasaartay maxaa wacay danyartii wax ka iibsan jirtay kuma kordhin karo ganacsadihii wax ka iibin jirayna uma jixin jixayo halkaas waxaa ka dhashay oo tagaan mar walba yuuska iyo sawaxanka danyar wayday cid u hiilisa oo u gar qaada ganacsade cimlaaq iyo lacagtiisa dolar iyo ganacsade danyar iyo lacagtiisa land , maxaa u waayay?
Waxaa u waayay yagu dowlad ma leh, oo madax u adeegta ma leh,oo cid kale oo u hadashana ma leh haday hadlaana codkoodu meel ma gaadho oo ma dhaafo dukaanka ama bacda ay yaanyada la dul fadhido maxaa u waayay?
Waxa u waayay horta marka hore xukumadu waxan yadaa sababtay yadoo u danaynaysa ganacsadaha wayn ee lacagta haysta kana danaynaysa danyarta iyo wadhatada markii lagu baraarugay dhibta jirta ee ay wadaan ganacsatada waawayn iyo xukumadoodu wax xal ah may doonin manay keenin maxaa u waayay?

Waxaa u waayay horta marka hore waxa xukumad la yidhaahda ee waqtigan joogtaa dhamaan waxay isugu baxday dad turn off ah iyo dad bakhtiisan maskax ahaan oo aan fekerayn waayo waxaa daboolay quluubtooda isla markaana dahaadhay maskaxdooda maamur iyo daxal ay keentay dhiiga malaxda iyo dheecaanka wadhatada masaakiinta foqarada iyo waxma haysatada ay hantidoodii awoodii ay u igmadeen ee bacadka isu tageen ay ku takri falayaan ee ay ugu danaynaynayaan adeegayaan tageerayaan isla markaana ugu hiilayaan dabaqada burjiwaasiyada, haday sooba hadal qaadaan oo ka hadlaaana hadalkoodu waa afka baarkiisa iyo dhawaaq beena oo saxaafada laga sii daayo oo layskaga dhigo in dhibtooda wax laga qabanayo, waxaa la daba socdaa naag ku magaacaban wasaarad maaliyada waxaa account gaara laga soo qaaday lacag dolar ah waa shan milayn oo dolar kamarado ayaa lala daba yaacayaa oo sawir ayaa lala dhacayaa, waxa loo wadaa oo la leeyahay waxaa lagu xalinayaa arinta sicir bararka ee danyarta iyo maatatdu sheeg sheegayso,waxaa lagu sii sidaa baanka dhexe oo aan la dhigin dolarka intaas leeg laakin dadka ayaa loo tusayaa in suuqa la galinayo markii baankii la gaadhay waxaa hadlaysa naagtii yadoo aad moodo inay dagaal ku jirto oo ay wado burabagaandhe dagaal “sirir bararkan la sheego sheego ayaan wax qabanay waxaan suuqa galinaynaa shan milyan oo dolar si dolarku hoos ugu dhaco”sidaa ayay ku tiraabtay intaas markii lasoo gabagabeeyey saxafadiina iska tagtay lacagtii shanta milyan ahayd account keedii gaarka ahaa ayaa lagu celiyay dhacdadaasina waxay taariikhda ku gashay ku walacsiigii shanta milyan ee dolar iyo danyarta tasoo kaliya maaha in lagu walacsado dad baahan ee waa arin aad moodo in imika laga dhigtay siyaasad iyo barmaamij xisbi waxaa safar ka bilaabay magalada hargaysa wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga xukumadu waxaa uu xambaarsan yahay lacag dolar ah waxaa la socota saxafada dowlada iyo ta madaxabanaan gobol walba waxaa lagu qabanayaa xaflad taasoo lagu iclaaminayo in gobolkaas hebel xisbiga kulmiye ku wareejiyay lacag 40kun oo dolar ah gudida abaaraha ee heer gobol yadoo kamarada loo dhigayo ayaa kor loola bood boodayay yadoo aad moodo in meesha lagu qaaday champions leage isla markii xafladii dhamaatay lacagtii la wareejiyay shandadii markii hore lagu siday ayaa lagu celiyaa oo hore laga sii qaadaya waayo lacagta la sidaa waa afartan kun oo kali ah oo looga xafladaynaayo gobolada oo dhan yadoo gobol walba laga sheegaayo inuu gudoomiyaha xisbigaasi ugu deeqay dadka abaraysan lacagtaasi isla markii safarkii waftigu dhamaadayna waxay ku noqdeen hargaysa yagoo lacagtoodii oo sideedii ah sita, lacagtii loo xafladaynaayay maxaa dadkii abarasnaa ee la sheegaayay loogu qaban waayay wax ma yagaa qarin lahaa rufuc bariis ah oo ay meel gaadhsiiyeen may ee todobaad ayay tvyada uu haysan lahaa rufacaasi .
Waqtigan la joogo ku walacsiga ku digashada iyohamuun galinta dadka baahani waa farsamada keliya ee wax lagaga qabto dhibaatooyinka faraha badan ee dalka ka jira haday tahay abaaraha iyo sicir barar ka .
Dalka waxaa ka socota eel kii dhigay u ergooto oo u dhiganta yadoo waxaa aynu soo sheegnay dalka ka socoto cidii waday ee abaha iyo hooyadaba u ahayd loo cabanayo oo la leeyahay may wax ka qabato
Allaa mahad leh
By:Mohamed abdilahi nur (Komati)

Email;koomaati@gmail.com