Sida kelitaliyayaasha caadada u ah, Muuse waxa uu xilalka saamaynta leh u dhiibay dad ay is ku hayb yihiin – hogaanka ciidanka, ka maxkamadda, maaliyadda iwm. Dadka qaar baa u qaba in taas ujeedadeedu ay tahay in uu jifadiisa sidii uu wax u tari lahaa ka wado. Inta ay sidaas tahay waxa aad u ga badan inta ay tahay awood maroorsi iyo jujuub. Laakiin mid baa seeggan – si kasta oo jifadiisa uu dhinac kasta u gu hubsado, hadii talo faro ka haaddo waxba ma u tarayso, saa Siyaad Barre iyo Mingisto ba u tari wayday. Muuse xisaabtiisu waxa weeye – jiidhsii adiga sida dantu kuu gu jirto, amma aad u aragtid in ay kuu gu jirto, laba uun baanay mid noqon. In sidii awalba la odhan jiray, la yidhaahdo wadanka ayaa ka muhiimsan ee inooga sii daaya taasna, oo xadhiga marka uu giijiyo, isaga loo sii daayo si aanu u go’in. Hadii taasi dhici waydo, oo ay dagaal tagto, aniga iyo qoyskayga ayaa hubkii iyo awooddii dawladeed hayna oo cidda na ga hor timaad cagta ayaan marinaynaa, weliba si fudud, weeye xalkiisa labaad. Heshiis ha la sameeyo oo siyaasad ahaan iyo wax isu jiid-jiid wax ha la gu dhameeyo liiska options kiisa ma ku jirto. Laakiin manta, xadhigga uu giijiyay na loo sii dayn maayo, hadii ay dagaal tagto na, waa ba loo joogi.
(Fiiro gaar ah: xilalka aan tilmaamay in uu isagu magacaabay amma ay ka horeeyeen wax micno ah ma laha, maxaa yeelay masuuliyiintii aanu xilalka la doonayn durba wuu bedelay, kuwan na isaga ayaa u daayay)
Waxa Qoray:-