Sida loo ilaaliyo Guryaha dadka Taajiriinta & kuwa caanka ah?

Dhismo aad loo ilaaliyo oo ku yaalla galbeedka London

Iyadoo xabsiga loo taxaabay Jimcihii hal nin oo tuug ahaa oo u soo dhacay  hooyga ciyaaryahankii hore ee Ashley Cole. Hadaba sidee ayay dadka maalqabeenka ah ay ula dirirayaan sidii ay burcadda oga difaaci lahaayeen guryahooda?

“Aad Ayaan ugu baahanahay taasi waxaa xaqiiqo jirta,” waxaa sidaasi yiri John Moore, kaas oo ku wajahnaa saldhiga ilaalada gaarka loo leeyahay ee Westminster si loo xoojiyo ilaalada guryaha iyo goobaha muhiimka ah ee uu leeyahay.

Waxa lagu magacaabaa  burcadda aad ka u xirfadeeysan, waxayna kasoo safraan meelo fog fog iyagoo bartilmaameedkoodu uu yahay guryaha tujaarta durbabana dalka waa ay isaga tagayaan.

Hooyga captankii hore ee England David Beckham iyo xaaskiisa oo naqshadeeyo ah ayaa la dhacay iyaga oo ku sugan gurigooda oo canugooda 10 jirka ah uu la joogo. Saldhiga booliiska ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen in alaab laga xaday gurigaasi.

Taasi waxa ay daba socotay xatooyo guri loogu dhacay 2019 ee lagu xaday gaari nooca xawaaraha dheeraya ah oo tartanka lagu galo oo dhaxal ahaa kaas oo ay dhaceen burcad Talyaani ah oo horaan u dhacay dahab iyo waxyaabo kale oo badan oo uu ku jiro Dhayman  qiimihiisu gaarayo £25 milyan.

Mr Moore ayaa sheegay in shaqaalihiisa ay soow ariyeen inay arkeen dadkii sameynayey sahminta, iyagoo sawiro ka qaadanaya kaamirada qarsoon gawaarida, iyo albaabada guriga.

Jilayaal caan ah

Ilaalada gaarka loo leeyahay  waa lacag badan

Imisa ayaa ku kacaysa dadka guryaha leh, kuwaas oo badanaa guryahooda ka maqan, in ay heystaan ilaalo 24 saac ah oo 7 maalmood shaqeeynaya in ay guryahooda u helaan?

‘‘ma jirto ciid diidan in ilaalada gaar loo leeyahay ay qaali tahay. “Macaamiil badan ayaa u arka in ay tahay maalgalin, sidaas darteed waxaa ay maalgalinayaan bad qabkooda iyo bad qabka qoyskooda. “

‘Eyga lama laaluushi karo’

Qaar kamid ah dadka caanka ah waxaa ay shaqaalaysiiyeen eyoo si ay u ilaaliyaan guryahooda oo uu ka mid yahay rapper Stormzy iyo ciyaaryahan Jack Grealish.

Shaqsiyad caan ah

Qolka qarsoodiga ayaa dhaqan noqday

 

Bishii December ciyaaryahanka Premier League ee Joao Cancelo ayaa dhaawacyo kasoo gaaray wajiga kadib markii uu isku dayey in uu la diriro burcad usoo dhacday hooygiisa. 27 jirkaan ayaa yiri “afar tuugo ayaa I waxyeeleeyey islamarkaana isku dayey in ay dhibaateeyaan qoyskeyga waxayna qaateen dhamaan waxyaabihii la isku qurxinaayey.”

Dadka maalqabeenka ah iyo kuwa caanka ah ayaa billaabay in guryahooda ay ka sameystaan qol qarsoodi ah cabsi ay ka qabaan tuugada awgeed.

Qolalkaasi oo kale waxaa ku kacaysa sameyntooda ku dhawaad £40,000, waxaana lagu qarin karaa meel uusan qof fahmi karin in uu qol ku yaalo, albaabka laga galena waa la qariya.

Markaa sidee ayay tuugada usoo dhacdaa dadka guryahooda?

Mr Weldon ayaa sheegay: “Guryaha aanu halkan kaga hadlayno waxa uu leeyahay qalab diginin bixinaya oo wanaagsan, marka waxa aad helaysaa ogaysiisyo in ay jiraan shanqarta ka socota guriga.

Eeyga wax ilaaliya

Hasayeeshee iyadoo waxaan oo dhani ay jiraan su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah aaway booliiskii?

Mr Moore, oo ah askari hore ka hor inta uusan ku biirin ilaalada gaarka loo leeyahay ayaa sheegay: “dad badan ayaa isweydiin doona sababta ay dadka ugu qsbanyihiin in ay lacag ku bixiyaan ilaalada gaarka loo leeyahay inagoo booliis heysana?

“Marka waa ay jiri doontaa baahida loo qabo ilaalada gaarka loo leeyahay xitaa hadii ciidanka booliiska la laba jibbaaro. Maxaa yeelay booliisku ma joogi karaan meel walba. “Waxaa ay la mid tahay dadka lacagta ku bixinaya in ay helaan daryeel caafimaad ama waxbarashada iskuulaadka gaarka loo leeyahay. “