Sida sharciga ah ee lagu ogaan karo qofka noqonaya Madaxweynaha cusub ee Kenya

Raila Odinga oo kasii baxayay maxkamadda

Indhaha shacabka Kenya iyo caalamka ayaa ku sii jeeda dhanka garsooreyaasha maxkamadda ugu sarraysa dalkaas, kuwaasoo laga sugayo inay go’aan ka gaaraan dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada madaxtinimada ee uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Odinga, oo ka mid ahaa murashaxiinta doorashada madaxweynaha ayaa Isniintii maxkamadda u gudbiyay warqadaha uu ku xoojinayo kiiskiisa, isagoo doonaya inuu waxba kama jiraan ka dhigo go’aankii guddiga doorashada ee ku dhawaaqay in xilka uu ku guulaystay William Ruto.

Khudbad uu Odinga jeediyay kaddib markii uu shalay maxkamadda geeyay caddeymihiisa ayuu ku sheegay in uu dagaal ugu jiro sidii uu u xaqiijin lahaa in dowladda aysan gacanta ku dhigin koox uu ku tilmaamay “koox dantooda kaliga eegata”.

Ruto, oo ah murashaxa ku guulaystay doorashada, balse dacwadda laga geeyay, iyo kooxdiisa, ayaan wax jawaab ah kasoo saarin eedeyntaas, iyagoo ka war sugaya go’aanka maxkamadda.

Ilaa ay maxkamadda sare go’aan kasoo saarayso, Ruto waa madaxweynaha la doortay ee Kenya tan iyo markii uu guddoomiyaha guddiga doorashada ee IEBC, Wafula Chebukati ku dhawaaqay inuu ku guulaystay tartanka kaddib markii uu helay 7,176,141 cod oo u dhigma boqolkiiba 50.49 ka mid ah codadkii doorashada.

Ruto iyo Gachagua

bbc

Ilaa shalay waxaa la hadal hayay waddada cusub ee ay u jeedsatay siyaasadda Kenya, waxaana dalka ka jiraysa hubanti la’aan ilaa go’aan kama dambays ah laga gaaro khilaafka ka taagan qofka ku fariisanaya kursiga Madaxweynaha.

Maxaa horay u dhacay?

Doorashada waxaa la qabtay 9-kii bishan August, 2022-ka.

Guddiga doorashada ay 15-kii August ku dhawaaqeen guulaystaha oo noqday Ruto.

Laakiin maalintii xigtay ee 16-kii August, Raila Odinga oo uu loollan adag doorashada ku dhex maray Ruto ayaa kasoo horjeestay natiijada.

Qiyaastii hal isbuuc kaddib, 22-kii August, Odinga iyo taageerayaashiisa ayaa gudbiyay dacwdada ka dhanka ah natiijada, iyagoo gaari xamuul ah maxkamadda ku geeyay caddaymaha ay sheegeen inay u hayaan musuqmaasuq lagu sameeyay hannaanka doorashada.

Maxaa xiga?

Sida ku cad jadwalka cayiman ee maxkamadda ugu sarraysa Kenya, waxaa la gudagalayaa sida loo wajihi lahaa kiiska.

Siddeed maalmood kaddib markii la diiwaangeliyay dacwadda, oo ku beegan 30-ka August, waxay garsooreyaashu ka shiri doonaan tallaabadii la qaadi lahaa.

Caddeymihii Raila ee la geeyay maxkamadda

Waqtiga ay maxkamaddu haysato waa 14 maalmood, si ay u caddayso go’aanka ay qaadatay.

Maxaa la filayaa?

Dastuurka Kenya ayaa si cad u qeexaya tallaabooyinka ay marayso maxkamadda sare ee gacanta ku haysa kiiska la xiriira muranka doorashada madaxweynaha.

Muddada 14-ka maalmood ah ee ay haystaan garsooreyaasha ayaa ku khasban in ay labo go’aan mid uun soo saaraan. Mid ka mid go’aannadaas wuxuu xaqiijinayaa eedeymaha uu jeediyay Raila Odinga halka midka kalena uu u danaynayo William Ruto.

Labada go’aan ayaa kala ah:

  • In ay garsooreyaashu isku raacaan in habkii loo fuliyay doorashada uu ahaa mid sax ah, caddayn ku filanna u waayaan sheegashada ku saabsan in wax isdabamarin la sameeyay.
  • In ay garsooreyaashu isku raacaan in la musuqmaasuqay doorashada, sidaasna ku xukumaan in ay natiijadu ay tahay waxba kama jiraan.

Haddii ay maxkamaddu caddayso in natiijadii lagu dhawaaqay ay sax ahayd, waxaa toddobo maalmood gudahood lagu dhaarinayaa madaxweynaha la doortay, William Ruto.

Balse haddii ay waxba kama jiraan ku tilmaamaan natiijadii guddiga doorashada, waxaa meesha ka baxaysa sharcinimada madaxweynaha la doortay, waxayna maxkamaddu amar ku bixinaysaa in doorasho cusub lagu qabto muddo 60 maalmood ah gudahood.

Go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda ugu sarraysa waa in uu noqdo mid ay isku raacsan yihiin ugu yaraan afar ka mid ah xaakinnada.

Balse taas waxaa fududaynaya in tiradooda guud ay tahay toddobo garsoore, mar kastana ay ku kala tiro dheeraanayaan dhinac walba oo loo jeesto.