Writen by Qaran News |

Siddeed Muran oo hore uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ)

Muran lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY markii Madaxweyne Cigaal (Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar 2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha Guurtidu ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood waxaana loo baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan.

Asbaabta xubintan lagu diidday waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka La Taliyaha Sharci oo uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod. 11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001 (imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017). Haseyeeshee, Golaha Guurtidu mar labaad ayuu dib u soo magacaabay oo soo celiyey iyagoo ku andacoonaya in uu shaqadaas wakhti hore ka tegay iscasilaadna soo gudbiyey, waxaanu Golaha Wakiiladdu ku ansaxiyey 50 cod1dii March 2001.

Arrintaasi waxay jidaysay in xubin kasta oo uu Golaha Wakiilladu ansaxin waayo mar labaad dib loo soo magacaabo oo golahu uu mar labaad u coddeeyo sidii dhacday 2007-dii. Ma jiro qodob sharci oo sidaas banneeyey. Waxaana sharci ah in Golaha Wakiilladu uu hal mar uun cod u qaado xubin kasta oo haddii ay hesho cod tiradiisu gaadhayso ama ka badan tahay kala-badh iyo hal dheeri tirada xubnaha Golaha Wakiillada ay ansaxayso, haddii se ay hesho cod tiradiisu ay ka yar tahay kala-badh tirada xubnaha Golaha aanay ansaxayn, cidii soo magacoowday xubin aan ansaxmina ay xubin cusub soo magacoowdo.

MURANKII 2AAD ee ka dhasha magacaabida xubnaha KDQ wuxuu ahaa markii sannadkii 2004-tii uu geeriyooday Maxamed Sheekh Cabdillaahi oo xubin ka ahaa KDQ, iyadoo ay muddo-xileedkii xubnaha KDQ hadhsan tahay ku dhowaad saddex sanno. Markii la magacaabay xubnahii ugu horeeyey KDQ may jirin Xisbiyo Qaran oo waxaa muddadii loo qabtay diiwaangelinta ururrada oo ku eekayd 21kii Sebtember 2001-dii is diiwaan diiwaangeliyey todoba urur-siyaasaddeed; urur siyaasaddeedkii xukumada ee UDUB iyo lix urur oo kala ahaa UCID, BIRSOL, HORMUUD, ILEYS, SAHAN iyo UMAD.

Lixdaas Urur Siyaasaddeed ayaa intii aan la diiwaangelin KULMIYE si wadajir ah u magacaabay laba xubnood oo ay midi tahay xubintan geeriyootay sida ku cad Qod. 11(2)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se waa Qod. 12(2)(b) ee Wax-ka-badelka 6aad ee 2017); 18-kii March 2001 ayaa sababo aan caddeyn dartood loo kordhiyey wakhtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadda  oo laga dhigay ilaa 17-kii May 2001, waxana muddadaas intii lagu jiray diiwaangelinta lagala noqday urraradii ILEYS iyo UMAD, waxaana la diiwaangeliyey ASAD iyo KULMIYE. Urruradii siyaasaddeed ee xubinta geeriyootay magacaabay waxa wakhtigaas jiray oo xisbi noqday UCID oo keliya. Sidaas darteed, UCID iyo KULMIYE oo ahaa labada xisbi mucaarad ee wakhtigaas diiwangashanaa ayaa si wadajir ah ugu magacaabay Maxamed Xaashi Cilmi in uu noqdo xubinta buuxinaysa booska ka bannaanaaday KDQ. Waxaanay qoraalkii magacaabida u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale 2-dii Oktoober 2004-tii.

Madaxweyne Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex u noqon karayn xisbiyada qaranka ama xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo yar kahor ka qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti xaadirkan aad uga soo horjeedo xukumada iyo in sidoo kale ay magacaabidani dheeli ku keenayso saamigii beelaha ee KDQ maadaamaa xubintan la magacaabay aanay isku beel ahayn xubintii geeriyootay. Ugu dambeyn, markii laysku khilaafay arrintaas ee uu KULMIYE ku adkaystay magacaabida Maxamed Xaashi Cilmi ayuu Xisbiga UCID oo keli ah uu magacaabay Axmed Cabdillaahi Hoori oo Madaxweynaha u gudbiyey si uu buuxiyo jagadii xubinta geeriyootay ee KDQ.

Inkastoo ay su’aal sharci ka dhalanaysay magacaabidan, maadaamaa aanu xeerku si cad uga hadal (ilaa hadda oo xeerka lix jeer wax ka badel lagu sameeyey) waxa la yeelayo haddii labada xisbi mucaarid ku heshiin waayaan magacaabida xubinta buuxinaysa jagada KDQ ee ay bannayso xubin ay si wadajir ah u magacaabeen ururro siyaasaddeed oo diiwaangashan, KULMIYE wax diidmo ah kama keenin xubintaas uu Xisbiga UCID keligii magacaabay. Waxaanay sababtu ahayd in heshiis hoose oo siyaasaddeed oo uu xisbiga UCID ka shaqayeeyey ay iskugu soo dhowaadeen Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradku kadib markii Madaxweyne Rayaale uu ogolaaday in 2 xubnood lagu daro tirada xubnaha KDQ oo magacaabistooda la kala siiyo Madaxweynaha oo xubin magacaabaya, xubinta kalena ay xisbiyada mucaaradka si wadajir ah u magacaabaan. Sidaas darteed, KULMIYE muu horistaagin xubintaas ay UCID magacoowday, una gudbisay Madaxweyne Rayaale oo isna Golaha Wakiillada u gudbiyey, iyaguna cod aqlabiyad ah oo bilaa dood ah ku ansaxiyey.

MURANKII 3AAD wuxuu ka abuurmay heshiiskaas hoose ee siyaasaddeed oo waxaa dhacday in sidii Madaxweynaha iyo mucaaradku isku afgarteen tirada xubnaha KDQ laga dhigay 9 xubnood. Qodobkii 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiillada (Xeer Lr. 20-2/2005 oo wakhtigaas golaha horyaalay ayaa wax ka badel ku sameeyey magacaabida iyo tirada KDQ ee ku cadayd Xeerka Lr. 20/2001, 2 xubnood ayaanu qodobku ku kordhiyey tirada xubnaha KDQ. Labadaas xubnood oo midna uu magacaabayo Madaxweynahu, xubinta kale na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo xulayaan oo Madaxweynaha ugu soo gudbinayaan. Sidaas ayey labada gole ee baarlamaanku xeerkaas ku ansaxiyeen oo xataa Maddaxweyne Rayaale uu ku dhaqangeliyey xeerkaas. Haseyeeshee, Madaxweynahu 12kii Abriil 2005 ayuu Golaha Wakiilada dib uga codsaday in qodobkaas la laallo. Taasi oo abuurtay khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxa Madaxweynaha, mucaaradka iyo Shir-guddoonkii Golaha Wakiillada.

12 casho kadib, 40 xubnood oo Golaha Wakiilada ka tirsan ayaa 24kii Abriil 2005 mooshin ahaan arrintan Golaha u keenay, dood kadibna iyadoo 20 xubnood ay ishortaageen in golahu uu mooshinkaas cod u qaado oo buuq ay ka abuureen, kana baxeen fadhigii Golaha, ayaa loo codeeyey oo uu Golahu ku ansixiyey cod aqlabiyad ah in qodobkan 30aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda la laallo, magacaabida iyo tirada xubnaha KDQ lagu daayey sidii ay ahayd (ee ku cad Xeer Lr. 20/2001).

MURANKII 4AAD wuxuu dhashay iyadoo ay saddex casho oo keliya ka hadhsanayd dhammaadka muddo-xileedkii xubnahii KDQ ee ugu horeeyey oo ku eekayd 21-kii Jeenaweri 2007-dii. Madaxweyne Rayaale wuxuu qoraal uu tixraaciisu ahaa JSL/M/GG/081/2-2757/01/2017 oo soo baxay 18-kii Jeenaweri 2007 labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtida ku faray in ay muddo todoba casho gudahood ah ku soo gudbiyaan 8 xubnood oo 4 uu soo gudbiyo shirguddoonka Golaha Guurtidu, 4-na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo gudbiyaan, kadibna uu isagu mid kasta 2 xubnood ka magacaabi doono, una gudbin doono Golaha Wakiillada si uu u ansaxiyo.

Labadii xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE iyo Golaha Guurtidu ba aad bay uga horyimaadeen qoraalkaas Madaxweyne Rayaale, waxaanay ku dooddeen in magacaabida 8-da xubnood ah ee uu Madaxweynahu ka dalbay ay khilaafsan tahay Qod. 11(2)(a)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12(2)(a)(b) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017) iyagoo ku sababeeyey in qodobku uu Madaxweynaha awood u siinayo keliya in uu magacaabo oo Golaha Wakiillada u gudbiyo 4ta xubnood ee ay u soo gudbiyaan xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu, tan uu Madaxweynahu ka dalbayna ay noqonayso in Madaxweynahu uu kelidii awood u leeyahay in uu magacaabo dhammaan xubnaha KDQ.

Madaxweyne Rayaale na wuxuu ku doodday in Koomishankii hore ee ugu horeeyey uu Madaxweyne Cigaal magacaabay 4 xubnood oo kamid ah (2 Guurtidu soo xushay iyo 2 ay ururradii siyaasaddu soo xuleen) 8 xubnood oo ay u soo gudbiyeen urraradii siyaasadda ee diiwaangashanaa iyo Golaha Guurtidu, oo uu u gudbiyey Golaha Wakiillada. Sidoo kale wuxuu ku doodday in qodobka ay mucaaradka iyo guurtidu ku dooddayaan uu Madaxweynaha oo keli ah siiyey awoodda magacaabida xubnaha KDQ, xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidana uu siiyey awood soo jeedineed oo keli ah, balse aanu siin awood magacaabiseed iyo in qodobku uu dhigayo in mucaaradku ay si wadajir ah u soo jeedinayaan 2-da xubnood ee xeerku siiyey, balse aan xisbina si gaar ah awood loogu siin in uu kelidii xubin soo xulo.

Haseyeeshee, maadaamaa ay iska caddayd in doodda labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtidu ay sax ahayd marka laga eego dhinaca tirada ay soo gudbinayaan sababtoo ah qodobku si cad ayuu u odhanayaa “2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo iyo 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururrada/xisbiyada mucaaradka ah ee diiwaangashan”, balse ay su’aali ka taagnayd in xeerka aanay meelna kaga caddayn in xisbiyada/ururrada mucaaradka uu midba xubin magacaabi karo oo xeerku uu si wadajir ah u siiyey xulida iyo soo jeedinta 2 xubnood oo KDQ kamid noqonaya, Madaxweyne Rayaale kuma dhegin dooddaas, waxaanu ogolaaday in Golaha Guurtidu uu gudbiyo 2 xubnood, labada xisbi mucaaradna ay 2 xubnood gudbiyaan oo midba uu hal xubin gudbiyo.

MURANKII 5AAD ayaa isna wuxuu ka dhashay markii xisbiga UCID uu xubintiisii gudbiyey, Golaha Guurtiduna ay 2 xubnood gudbiyeen, Madaxweyne Rayaalena uu ku daray 3dii xubnood ee uu magacaabay sidaasna ugu gudbiyey Golaha Wakiillada iyadoo aanu KULMIYE weli soo gudbin xubintii laga sugayey. KULMIYE wuxuu ku doodday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu gudbiyo xubno uu u magacaabay KDQ iyadoo aanay dhammaystirnayn tiradii xubnaha KDQ. Haseyeeshee, majiro qodob sharci oo khasab ka dhigaya in tirada xubnaha KDQ ee la magacaabayaa ay dhammeystirnaato, ama ay ku xusan tahay in aanu Madaxweynahu magacaabi karin xubno tiradoodu ka yar tahay 7 xubnood haddii uu dhinac soo gudbin waayo xubnaha uu xeerku awood u siiyey in uu soo xulo.

Waxa dhacday halkii laga sugayey in Golaha Wakiilladu uu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey, in Golahu uu 23kii Febraayo 2007 go’aamiyey in uu xubnahii KDQ ee ay muddo-xileedkoodu dhammaatay u kordhiyey 2 sanno. Taasi ayaa cirka ku shareertay murankii sharci iyo siyaasaddeed, waxaanu ahaa go’aan sharciga khilaafsan oo aan loo marin habraaca magacaabida ee ku cad xeerka sababtoo ah cusbooneysiintu waxay ku iman kartaa in la maro habraaca magacaabida ee uu Golaha Wakiilladu ku lahaa awoodda ansaxinta oo keliya, balse tani waxay ka dhigan tahay in awooddii magacaabida iyo ansaxinta ba uu Golahu isku darsaday (Ibraahim Hashi). Sidoo kale cusbooneysiin ba muu ahayn go’aanka golahu ee wuxuu ahaa muddo-kordhin. Muddo-xileedna haddii ay jirto cid uu sharcigu awood u siiyey in ay kordhiso, waxaa la kordhiyaa inta aanay dhammaan balse hadday dhammaato wax la kordhiyaa ba kama noola. Mana jiro qodob Golaha Wakiillada awood u siinaya in uu KDQ muddo-kordhin u sameyn karo.

Madaxweyne Rayaale wuxuu go’aankii Golaha Wakiillada u gudbiyey Maxkamadda Sarre oo iyadna 6dii May 2007 ka soo saartay go’aan, waxaanay go’aamisay in go’aanka Golaha Wakiilladu uu khilaafsanaa Qod. 11aad iyo 12aad ee Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12aad iyo 13aad, wax ka badelka 2017), waxaanay amartay in golahu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweynahu u soo gudbiyey iyo in xisbiga KULMIYE soo gudbiyo xubinta 7aad ee KDQ si loo mariyo habraaca magacaabida loona ansaxiyo. Waana la fuliyey amarkeedii oo ugu dambeyn Golahu wuxuu cod u qaaday dhammaan todobadii xubnood ee KDQ 2dii June 2007.

MURANKII LIXAAD wuxuu ka dhashay fadhigaas uu Golaha Wakiilladu ugu coddeeyey xubnaha cusub ee KDQ 2dii Juun 2007 oo uu golaha ansaxiyey shan xubnood balse labadii xubnood ee uu Golaha Guurtida soo xulay oo kala ahaa Muuse Axmed Maxamed (Muuse Madoobe) iyo Maxamed Axmed Cabdi Xaamud (Nayn) ay golaha ka kala heleen 35 cod iyo 36 cod oo ay sidaas ku ansaxmi waayeen.

Golaha Guurtidu mar labaad ayey dib usoo gudbiyeen 8dii Juun 2007, taasi ayaana xamaasad sii gelisay khilaafkii ka dhaxeeyey dhinacyada iska soo horjeeday oo kala ahaa Xukumada iyo Golaha Guurtida oo dhinac ahaa iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo Mucaaradka oo dhinac ahaa. Waxa muddo laba bilood ah laysku hayey Golaha Guurtida iyo Xukumada oo ku dooddayey waa la soo celin karaa xubnaha uu golahu u coddeeyey ee aan ansaxmin iyagoo daliishanaya in 1dii Maarso 2002-dii uu Golaha Wakiilladu ansaxiyey xubin mar labaad dib loo soo magacaabay isla markaana mar labaad loo coddeeyey iyadoo coddayntii hore ee Golaha lagu diidday, iyo dhinaca kale ee shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo mucaaradka oo ku dooddayey lama soo celin karo mar haddii loo coddeeyey oo ay wayday codkii loo baahnaa (42+ xubnaha Golaha). Ugu dambeyn, dhexdhexaadin ay Abwaano, Culimo iyo odayaal ay labada dhinac ku dhexdhexaadiyeen kadib, 27kii Ogos 2007 ayuu Golaha Wakiilladu mar labaad u coddeeyey labadii xubnood oo uu Muuse Madoobe helay 39 cod, Maxamed Cabdi Xaamud (Nayn) uu helay 38 cod, sidaas ayey mar labaad ku ansaxmi waayeen.

Asbaabta ay labadan xubnood Golaha uga heli waayeen codkii ay ku ansaxmi lahaayeen labada jeer ee loo coddeeyey wuxuu Golaha Wakiilladu ku sheegay in ay buuxin waayeen mid kamid ah shuruuddaha xubnaha KDQ oo ah in sidii ku cad Qod. 12(3) Xeer Lr. 20/2001 in xubinta KDQ loo magacaabayaa “aanay da’ ahaan ka waynaan 60 sanno” (Wax ka badelkii 2aad ee Xeerka lagu sameeyey 2010 ayaa laga dhigay 70 sanno, Qod. 13(3)), labadan xubnood da’dooduna ay kor u dhaaftay 60 sanno. Haseyeeshee, waxa inta badan la sheegaa in sababta diidmadoodu aanay ahayn mid la  xidhiidhay sharci iyo da’da labadan xubnood balse ay ahayd mid siyaasaddeed oo ahayd in labadan xubnood loo tirinayey in uu si gaar ah u watay Guddoomiye Saleebaan oo uu Golaha Guurtida laftiisu ku kala qaysanaa magacaabidooda iyo codeyntan labaad oo uu khilaafaad kale oo siyaasaddeed iyo marxaladdii lagu jiray wakhtigaas oo ahayd mid ficiltanka siyaasaddeed  uu wax badan saameyn ku yeeshay.

Murankani wuxuu ku dhammaaday in Golaha Guurtidu uu soo magacaabay laba xubnood oo cusub oo ay labadii xubnood ee hore ay isku beelo ka soo jeedaan. Waxaanu Golaha Wakiilladu u coddeeyey 3dii Sebtembar 2007 labadii xubnood ee cusbaa oo kala ahaa Ismaaciil Muuse Nuur oo helay 63 cod iyo Xasan Maxamed Cumar oo helay 62 cod. Sidaas ayaanay ku ansaxeen labadoodu ba.

MURANKA TODOBAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu bilaabmay markii komishankii hore ee muddo-xileedkoodu bilaabantay 2dii Juun 2007 uu ragaadiyey khilaaf gudahooda ah iyo khilaaf siyaasaddeed oo ka dhashay doorashadii Madaxtooyada oo dib u dhacday oo oo gaadhay heer khatar ah oo ugu dambeyn ay beesha caalamku dhexdhexaadisay lagana gaaday heshiis 1dii Oktoobar 2009. Waxa qodobada lagu heshiiyey kamid ahaa in wax laga badelo xubnaha KDQ gaar ahaan hoggaanka. Sidaas darteed, maalmo kadibna waxaa iscasilay xubnahii KDQ intoodii badnayd. Madaxweyne Rayaale wuxuu ku dhawaaqay in xubnahii KDQ ay iskood u kala dirmeen, waxaanu xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtida ka dalbay in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xuleen KDQ. Murankan todobaad waa mid ka dhashay xubnahaas cusub ee la magacaabay Oktoobar 2009.

Xisbiga UCID wuxuu dib u soo xulay xubintii uu hore u soo xulay ee KDQ ee iscasilay kamid ahayd. Xubintaas oo ahayd Garyaqaan Khadar M. Guuleed (oo hadda ah Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya) oo isagu hore iskaga casilay xubinnimada KDQ. Haseyeeshee, Madaxweyne Rayaale wuu ku celiyey isagoo cuskanaya heshiiskii ay saddexda xisbi ku heshiiyeen in ay ku jirtay in aan la soo celin xubnahii hore ee KDQ. Sidaas darteed, xisbiga UCID si dhakhso ah ayuu u soo badelay una soo xulay Cabdifataax Ibraahim Xasan.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey mid kamid ah labadii xubnood ee ay u soo gudbiyeen oo ah Xasan Siciid Yuusuf (oo markii dambe noqday ilaa imikana ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE), waxaanu Shirguddoonka Golaha Guurtida ka codsaday in xubintani aanay siyaasadda ka madax-bannaanayn oo aanu buuxin shuruuddaha uu xeerka dhigayo, sidaas darteedna ay ku soo badelaan xubin cusub oo shuruuddaha buuxinaysa. Guddoomiye Saleebaan wuu ku gacan saydhay in Madaxweynahu dib ugu soo celiyo xubintan ay u gudbiyeen, waxaanu ku doodday in Madaxweynaha waajibkiisu yahay in uu keliya xubnaha ay u gudbiyaan uu isna u sii gudbiyo Golaha Wakiillada oo ah cidda keliya ee ansaxintooda iyo diidmadooda ba awood u leh. Haseyeeshee, maalmo kadib wuu aqbalay go’aankii Madaxweynaha oo Golaha Guurtidu wuxuu ku soo badelay Cabdiraxmaan Dixood.

Xubintii uu Xisbiga KULMIYE madaxweynaha u soo gudbiyey oo ahayd Ilhaan Maxamed Jaamac ayuu sidoo kale Madaxweyne Rayaale soo celiyey isagoo ku sababeeyey in ay xubin ka tahay Guddida Fulinta ee KULMIYE, kana qayb-gashay oo abaabulkiisa ka qayb-qaadatay Shirweynahii 2aad ee xisbiga KULMIYE ee Burco ka qabsoomay muddo yar kahor. Sidaas darteedna aanay buuxin shuruuddaha ku cad xeerka ee ay kamid yihiin in aanay xubinta KDQ loo magacaabayaa xil ka hayn, ka tirsanayn isla markaana ka madax-bannaan tahay xisbi siyaasaddeed.

Haseyeeshee, xisbiga KULMIYE kuma qancin asbaabtaas oo saddex jeer ayuu Madaxweyne Rayaale dib ugu gudbiyey oo uu isna ku celiyey, waxaanu Guddoomiye Siilaanyo ku doodday “In Ilhaan ay xisbiga ku jirtay, balse aanay hadda ka tirsanayn xilna ka hayn oo ay danteeda uga baxday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu soo celiyo xubin ay xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu magacaabeen, cidda keliya ee diiddi karta ama ogolaan kartaana ay tahay Golaha Wakiillada (oodweynenews.com, warkii 10/10/2009.” balse ugu dambeyn 18kii Oktoobar 2009 ayuu soo badelay oo soo gudbiyey Cali-khadar Xasan Cismaan (kubado). Waxaanu Madaxweyne Rayaale u gudbiyey Golaha Wakiillada maalin kadib 19kii Oktoobar 2009. Golaha Wakiilladu dhammaan xubnahii cusbaa ee KDQ wuxuu ansaxiyey 24kii Oktoobar 2009.

MURANKII SIDDEEDAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu yimid markii la magacaabayey xubnaha KDQ ee uu hadda xilkoodu dhammaadka yahay markii Madaxweyne Siilaanyo uu 28kii bishii Ogos 2014 iyadoo ay muddo-xileedkii xubnahii hore ee KDQ ka hadhsan tahay ku dhowaad laba bilood oo keliya (29 Oktobar 2014 oo ay kaga dhammayd muddo-xileedu) uu xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Golaha Guurtida ba ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u xulayaan in ay kamid noqdaan KDQ.

Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxay 30kii Ogos 2014 Madaxweynaha u gudbiyeen 2 xubnood oo ay u soo xuleen kamid noqoshada KDQ. UCID waxay dib u soo xushay xubinteedii hore ee kamid ahayd xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayo Cabdifataax Ibraahim Xasan. Xisbiga WADDANI na wuxuu magacaabay oo Madaxweynaha u gudbiyey Dr. Maxamed Cusmaan Fadal oo isla maalintii uu Madaxweynahu xisbiyada ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xulayaan KDQ ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Xisbiga WADDANI. Golaha Guurtiduna wuxuu dib u magacaabay labadii xubnood ee hore ugu jiray xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayey.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey laba xubnood oo ay 17kii Sebtember 2014 u soo gudbiyeen oo kamid ahaa xubnaha KDQ ee uu muddo-xileedkiisu dhammaadka ahaa. Inkastoo aanu Madaxwaynahu shaacin asbaabta uu u cuskaday dib u celinta labadaas xubnood, isla markaana sida la sheegay aanu Shirguddoonka Golaha Guurtida gaar ahaan Guddoomiye Saleebaan markii hore ku qancin in Madaxweynahu uu xubnaas soo celiyo, waxa la sheegaa in Madaxweyne Siilaanyo uu ku qanciyey Guddoomiye Saleebaan in komishankan hore loo tirinayey qaskii iyo ceebahii ka dhacay Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-ka, sidaas darteedna aanu rabin in isaga iyo Golaha Guurtidu ay soo celiyaan xubnahii ay magacaabeen Madaxweynahii hore iyo Golaha Guurtidu maadaamaa Xisbiga WADDANI aanu waxba ka magacaabin xubnaha la badelayo, xisbiga UCID oo keli ah uu xubin ka magacaabay mucaaradka hadda jira, taasna hadduu soo celiyo aanu ku celin doonin isaga. Sidaas darteed, Shirguddoonka Golaha Guurtidu wuu ku qancay soo jeedintaas Madaxweyne Siilaanyo oo waxay soo xuleen oo ay Madaxweynaha u gudbiyeen laba xubnood oo cusub oo kala ah Cabdiqaadir Iimaan iyo Siciid Cali Muuse.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Xisbiga WADDANI ku celiyey xubintii ay soo xuleen ee ay u soo gudbiyeen isagoo sheegay in xubintani ay ka tirsan tahay xisbigan magacaabay, xilna ay ka haysay xisbiga wakhtigii uu xisbiga ka dalbay in uu soo gudbiyo xubin uu u soo xulo KDQ. Haseyeeshee, Xisbiga WADDANI kuma qancin asbaabtaas sidaas darteed mar labaad ayuu dib ugu soo gudbiyey Madaxweynaha iyagoo ku doodday in xubintani aanay hadda ka tirsanayn xisbiga oo xubinnimada iyo xilkii uu xisbiga ka hayey ba uu hore iskaga casilay isku mar. Sidaas darteed, wuxuu Xisbiga WADDANI ku doodday in xubintan ay soo xuleen ay buuxisay dhammaan shuruuddaha uu xeerku dhigayo.

Madaxweyne Siilaanyo mar labaad ayuu ku celiyey Xisbiga WADDANI oo dib uga dalbay in ay xubin kale oo buuxinaysa shuruuddaha xeerku jideeyey u soo xulaan KDQ. Wuxuu qoraalka summadiisu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014 ee soo baxay 6dii Oktoobar 2014 ku sheegay “Waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad (hadda se ah Qod. 13aad) ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahayd Xisbiga WADDANI.”

Laba casho kadib 8dii Oktoobar 2014 wuxuu Madaxweyne Siilaanyo shaaciyay oo uu Golaha Wakiiladda u gudbiyay liiska lixda xubnood oo uu KDQ u magacaabay oo iskugu jiray saddex xubnood oo uu isagu soo xulay, laba Golaha Guurtidu soo xuleen iyo xubin xisbiga mucaaridka ah ee UCID soo xulay. Xisbiga WADDANI maalin kadib ayuu isna Madaxweynaha u soo gudbiyey xubin uu ku soo badelay xubintii hore ee uu Madaxweynahu labada jeer ku celiyey. Waxaanu Madaxweynahu isla maalintii u gudbiyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada qoraalka magacaabida iyo macluumaadka xubinta cusub ee uu Xisbiga WADDANI u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ahaa Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal). Waxaanu ka codsaday in ay waajibkooda ka gutaan. Sidaas ayuu ku dhammaaday murankan magacaabida KDQ oo Golaha Wakiilladuna uu 29kii Nofembar 2014 u ansaxiyey dhammaan todobadii xubnood ee KDQ.

Labadii muran ee ugu dambeeyey waa kuwan soo bilaabmay horaantii 2018 ilaa haddana ka taagan magacaabida xubnaha KDQ ee ay Xukumada iyo Mucaaradku isku diiddan yihiin xubnaha uu Madaxweynahu magacaabay, Golaha Wakiiladuna ay ansaxiyeen. Waana markii ugu horeysay ee uu muran/khilaaf ka dhasho xubin uu madaxweyne u magacaabay KDQ. Wixii xog ah iyo faallo faahfaahsan oo khusaysa muranka hadda ka taagan magacaabida iyo ansaxinta xubnaha KDQ waxaad ka akhrisan kartaa https://goodlawyer4.blogspot.com/2019/11/faallo-muranka-ka-dhashay-xubnaha-cusub.html 

Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer)

Email: goodlawyer2014@gmail.com

Burco, Soomaaliland.