Sidee madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyey Ankara+Sawirro

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Turkiga, oo caasuumaad uu ka helay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa si weyn Ankara ugu soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkaas ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda waxay xoogga ku saari doonan adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku guda jiro booqashada uu ku joogo dalkaas, wuxuu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed, sida Jaaliyadda iyo ganacsatada, si uu uga xog-wareysto xaaladooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandooska ee Isparta, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah ciidamada xoogga Soomaaliya.