Sidee xukunka dilka looga fuliyaa Itoobiya?

Juweyriya ayaa rasaasta uu askarigu furay u geeriyootay

Maxkamadda gobolka Faafan ee magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa Isniintii dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Juweyriya Subcis.

Garsooraha maxkamadda ayaa la sheegay inuu xukunkan u cuskaday xeerka ciqaabta itoobiya.

Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada federaalka ee gacanta ku hayay ammaanka garoonka magaalada Jigjiga ayaa 25-kii Oktoobar rasaas ku furay xildhibaanad Juweeriya.

Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, ayaa ahayd xildhibaan heer deegaan ah oo laga soo doorto degmada Daratoole ee gobolka Doolo.

Rasaasta ay ku geeriyootay Juweeriya dadka ku dhawaacmay waxaa ka mid ah walaasheed Ayaan oo ay Juweyriya ka doontay garoonka.

Sidoo kale dhowaan ayay ahayd markii dil toogasho ah lagu xukumay haweeney lagu eedeeyay inay labo gabdhood oo walaalo ah ku dishay deegaanka Arraabsaa ee isla dalkaas Itoobiya.

Maxkamadda Sare ee federaaliga ah ee Lidata First Class ayaa Hiwot Mokonnin oo 19 jir ah ku xukuntay dil.

Maxkamadda ayaa diidday codsi ahaa in haweeneydaas loo eego inaysan hore dil u geysan, inaysan aqoon lahayn oo aysan wax baran iyo sida ay isugu soo dhiibtay booliiska.

Haweeneyda ayaa haatan ku jirta xabsiga Qallitti ilaa laga fulinayo xukunkeeda.

Labadan xukun ee dilka ah, waa kuwii ugu dambeeyay ee dhowaan ay riddo maxkamad ku taalla Itoobiya.

Haddaba sidee xukunka dilka looga fliyaa Itoobiya?

Dr Mahaari Rada’i, oo sharciga ka dhiga Jaamacadda Finland, ayay BBC-du weydiisay inuu ka hadlo arrintan.

Qodobka Dembiga ee Itoobiya wuxuu leeyahay xukun dil ah, ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay, “Waa sharciga sababta ay xaakimiintu xukunka dilka ah ugu ridaan kiisaska gaarka ah ee ka dhanka ah dalka iyo dadka iyo sidoo kale dilka shakhsiga loogu geysto qaab arxan darro ah oo mamnuuc ah,” ayuu yiri.

Si kastaba, waxay sheegeen in qareennadu aysan aalaaba soo rogin xukun dil ah balse ay ridaan xukun xabsi daa’im ah amaba 25 sano.

Waxaa jira sharci qareennada u oggolaanaya inay go’aansadaan xaaladda eedeysanaha; taasoo u suurto gelineysa inay go’aanno fudud ilaa kuwo kama dambeys ah ka gaaraan, iyagoo eegaya da’dooda, waxbarashada iyo xaaladda dhaqaale.

“Balse marka ay timaaddo xukunka dilka ah, go’aanka xaakimiinta keliya ma aha mid ku filan,” ayuu yiri Dr Maharin. Sababtoo ah xukunka dilka waa in marka hore “uu ansixiyaa madaxweynaha, haddi kale qofka la xukumay wuxuu weligii ku sii jirayaa xabsiga,” ayuu intaa ku daray.

Weli Itoobiya malaga fuliyay xukun dil ah?

Qareenku wuxuu sheegay in xukun dil ah laga fuliyay Itoobiya muddadii uu xukunka hayay Boqor Haile Selassie.

“Balse 30-kii sano ee ugu dambeeyay, xitaa xukunka dilka ah lama fulin karin ilaa ay ansixiyaan madaxweyneyaasha dalka.

Weli waxaan xusuustaa labo ilaa saddex dhacdo. Mid ka mid ah, waa ninkii dilay Haile Selassie, hoggaamiyihii hore ee militariga TPLF. Dil ayaa lagu xukumay waana lagu fuliyay.

Waxaa intaa dheer, waxaan xusuustaa ninkii dilay Kinfe Gebremedhin, oo xilligaas madax ka ahaa ciidamada ammaanka, waxaa lagu xukumay dil.”

Tan saddexaad, waxaana ka war hayaa markii hoggaamiyihii Masar Xusni Mubaarak uu booqday Itoobiya, dad isku dayay inay dilaan ayaa la xiray qaarkoodna dil ayaa lagu xukumay,” ayuu yiri.

Sidaa darteed, sharciga ayaa xukun dil ah ku ridaya dadka sameeya ficillada la xiriira argagixisanimada, dhaca hubeysan iyo afgembiga, ayuu yiri Maharin.

Maxaysan madaxweyneyaashu u ansixin xukunka dilka?

Mar wax laga weydiiyay sababta ay madaxdu uga caga jiidaan inay ansixiyaan xukunka dilka, ayaa Dr Mahaari wuxuu sheegay in xukunka dilku uu yahya arrin ay falssafad ahaan dood ka taagan tahay. Dalal badan ayaa xukunka dilka ka saaray shuruucdooda, ayuu yiri.

“Waxaa jira kuwo sheega in xukunka dilka uu yahay mid bani’aadannimada ka baxsan, balse ciqaabta ugu adag waa inay noqotaa xabsi daa’in.

Dhanka kale, dalalka kale ayaa sheega in xukunka dilka ay tahay inuu ku dhignaadaa sharcigeenna, balse aan xoojinno dhaqan gelintiisa.

Xaaladdan oo kale, qofka la xukumay ayaa xabsi la gelinayaa ilaa xukunkiisa laga meel mariyo, haddii uu halkaas ku sii jirana, waxaa lagu xukumi doonaa xabsi daa’in, sida uu qareenku sheegay.

Xukunkan mala xoojin doonaa ?

Dr Mahaari ayaa sheegay inuusan arrintan ka hadli karin.

“Madaxweynaheenna waa haweeney, carruurta la dilay waxay ahaayeen dhedig. Dembiga la galay wuxuu ahaa mid xanuun badan, bulshaduna aad ayay uga qeylisay, sidaa darted waa laga yaabaa in la ansixiyo xukunka dilka ee ay ka gadoodeen bulshada sida qareennada.

Dhanka kale, dowlad ahaan, dalka iyo dadka, waxaa laga yaabaa inaysan ansixin iyadoo loo cuskanayo in haweeneyda dembigan geysatay ay tahay mid da’ yar isla markaana ka shallaaneysa falkeeda,” ayuu yiri.

“Marka la eego taariikhda xukunka ciqaabta ee Itoobiya, ma jiro xilli sidan degdegga ah loogu go’aansaday dembi waxaana u maleynayaa in si gaar ah loo eegay iyadoo la doonayo in bulshada wax loogu tuso,” ayuu yiri.

Waxaa intaa dheer, xukunka laguma cafin karo iyadoo la eegayo dhaqaka fiican ee qofka ee xabsiga amaba waxyaabo kale ilaa maahee in lagu beddelo xabsi daa’in.

“Xitaa madaxweynaha dalka awood uma laha inuu cafiyo xukunka dilka balse wuu diidi karaa inuusan saxiixin,” ayuu yiri Dr Rada’i said.

Dhanka kale, Abdi Gurmeessaa, oo shahaadada PHD ku diyaarinaya sharciga ayaa sheegay in xukunka dilka uu maro hannaan dheer keliyana la fulin karo marka uu madaxweynuhu saxiixo.

Sidaa darted, ayuu yiri, “Maxkamaddu waxay soo rogeysaa xukun dil ah balse ma sheegeyso sida loo fulin lahaa. Fulinta xukunka dilka waxay u taallaa xabsiga,” ayuu yiri.