Writen by Qaran News |

Sir Culus oo Xasaasiya C/Raxmaan Saylici Iyo Wasiir C/laahi Dheere oo Wada Mooshin Xilka Awooda Maayerka Borama oo Ka Soo Jeeda Beesha Aqlabiyada Makaahiil Loona Dhiibo Masuuliyiin kasoo jeeda Beelaha Isbahaysiga

Warar Lagu Kalsoon Yahay Oo Ka Soo Baxaaya Guriga Madaxweyne Ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici Ayaa Tibaaxaya in laga soo maleegayo Shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Borama Kaasi oo u jeedkiisu Yahay in Lagaga Taqalusayo Habqaybsiga Maamulka Degmada Borama.

Waxaana Dhawaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Borama ay Soo Gudbin Doonaan Mooshin Xilka Xayuubin ah Kaasi Oo Xilka Lagaga Qaadayo Gudoomiyaha Iyo Ku Xigeenkiisa. Waxaana Gabi Ahaanba La Badalayaa Shaxda Habmaamulka Degmada Borama Waxaana Gabi Ahaanba Lagaga Taqalusayaa In Gudoomiye Ay ka Noqdaan Masuuliyiin ka soojeeda Beesha Makaahiil.

Masuul ka Gaabsaday in Magiciisa La Shaaciyo Oo warkani u soo dusiyey Shabakada  ayaa Sheegay in hadafka laga leeyahay uu yahay in Gabi ahaanba ay u arkeen masuuliyiinta xilka Haysa ayna Ahayn Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye Siweyn uga Ololayn Karaya Madaamada uu masuulka Ku Fadhiya Gudoomiyaha Degmada Borama uu Yahay Nin Ka SOo Jeeda Beesha Makaahiill. yahayna Shaqsi aan u Babac Dhigi Karaynin In Uu Ka Soo Horjeesto Beesha Tolkii.

Sidaasi Darteed Waxaa Maskax Cusub Keenay Wasiirka Waxbarashada S/land C/laahi Dheere Waxana Uu U Soo Bandhigay Madaxweyne ku xigeenka Qorshe Cusub kaasi oo ah in La Wada Dhabar Taabto Dhamaanba Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Beesha Makaahiil Si Codkoodu U Khasaaro Islamarkaana Xilka Maayirka iyo Ku Xigeenka Ay u Kala Tartamaan Xildhibaanada Beelaha Maxamed Case iyo Hbarcafaan Oo Isku Gayn 7 ah Waaba Haddii Uu Suuro Galo Qorshahaasi, Gabagabadana Haddii Xildhibaanada Aqlabiyada is Bidaaya Ee Beesha Makaahiil Buuqaana Guriga Saylici Ee Hargeisa Laga Soo Magacaabo Xoghaya Dawlada Hoose Ee Borama.

Su’aasha Is Waydiinta Mudan Ayaa ah Xildhibaanada Jabkaasi lala Maagan Yahay Ma Yihiin kuwo Dareensan Jabka Siyaasadeed Ee La Soo Maleegay Dabcan Jawaabtu Waa Maya Waayo galin Horeba Iyaga Laf ahaantooda ayaa isku Haysta In Ay Musharixiin Yihiin GUdoomiye iyo ku XIgeeno Waxaana Laga War Qabaa in Ay Hargeisa ku Sugan Yihiin Xildhibaanada Beelaha Makaahii Qaarkood.

Qadar Eebe Ka Sakow Waxaa la Laga Dhursugi Doonaa Sida ay Ugu Suuro Gasho Qorshahani Madaxweyne ku xigeenka Iyo Saaxiibkiisa Cusub C/laahi Dheere…….

Hase Ahaatee Waxaa iyagu Gabi ahaanba Ka Warqabin Qorshahani Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Beeshani Ee Ku Jira Golaha Wasiirada Xukuumada Axmed Siilaanyo…

Waxaana laga baqayaa in qaarkood loo balan qaado waxoogaa xaqal jeeb ah iyo qaarkoodna lagu yidhaahdo adigu noqo Maayer midka kastaana isku hayso maayer sidii hore ugu dhacday markii la doortay maayerka iyo ku xigeenkiisa in Xildhibaanda Aqlabiyada Golaha Dagaanka la khiyaameeyay laguna soo dhex  Saaray maayer xigeenka hada Ileeye oo isaga lagu soo fadhiisiyay qaab qayrul sharci ah sidaas darteedna xildhibaanda Isabahaysiga Laga tirada badan yahay kusoo baxeen maayer ku xigeen aanay meesha sii dhigan xildhibanaada Tirada badan wakhti aan wakhti ahayn farta gacanta ka qaniineen Su,aashu waxa weeyi maxay hada yeeli doonaan wakhtigii doonaba ha dhacdee hadii maayerka iyo ku xigeenka labadalo maka Faaiidaysan doonaan dabaylaha isbahaysi ee ka Aloosan Beelaha Gobolka mise halkoodii uunbaa looga miisi doonaa khiyaamadii iyo dhabr taabashadii waa su,aalaha dadwaynaha reer Boorama is waydiinayaan wakhti Xaadirkan Jawabtoodana ay hayaan Golaha dagaanka ee beelaha aqlabiyad