SIYAASADDA GOBOLKA SOOL IYO SHACABKA DEGAN XAALADDA MAANTA IYO SHALLEY IYO MUSTAQABLKA SIDUU NOQON KARO.

Before Muuse Bihi 2017

Gobolka Sool 80% Somaliland
Gobolka Sool 12% Putland Allaince
Gobolka Sool 8% Un-Decided.

Maanta Shacabka Sool.

Gobolka Sool 8% Affailiated Somaliland future
Gobolka Sool 85% Affailiated Federal Govt
Gobolka Sool 7% Willing to be Part of Putland

Hadda waxa khilaaf horlahi ka taagan yahey. Maamulka Putland iyo khatumo, dareen ka dhashey 17 xildhibaan ee reer Nugaaleed.

Shacabka Sool waxey qabaan in aaney Puntland iyo Sonaliland midna wax ku darsan. Balse siyaasiyiinta reer Nugaaleed ee Villadda Garoowe galaa.

Waxey qabaan in khaatumo ka mid tahey Puntland halkaasna mar labaad. Garadaadda reer Sool soo xulaan 17 xildhibaan ee maamulka Puntland ku jirey. Madaxweyne ku xigeenkuna ahaaddo nin reer Sool ah.

Heshiiska cusub ee ey soo jeediyeen Garaddadda reer sool. Deni, ayaa ganafka ku dhufey.

Qodobka ah, in Golaha baarlamanka maamulka Puntland loo kordhiyo Sanad doorashadda Madaxweynaha qudha lagalo 8 January 2023.

Garadaaddu qodobkan waxey uga dan’lahayeen in aan Shacabka Sool ka gadoodin ka sii mid ahaanshaha Maamulka Puntland inta Maamulka Khaatumo ey yagleelayaan.

Maadama dhinaca Somaliland wali aan Nabadd buuxdda qalinka lagu duugin. Si ey uga baxaan waqtiga kala guurka. Hadase waxaad mooda in reer Sool isu badheedhi doonaan.

Madaama dhinac walba Siyaasiyiinta reer Sool ee joogaa ku adkeysanayaan in shacabkaasi ka si mid ahadaan. Sababtuna waa Gobolka oo ku yaal meel xasaasiya. Halka dhinaca kale shacabku aamisan yihiin.

Maamulka hada la yagleelayo ee xafiiska Villa Somalia u qorey in loola Shaqeeyo (Inter-Administration) balse dadka degaanku u qaateen in loo aqoonsaddey maamul goboleed buuxa oo ka tirsan dowladda federaalka.

Iyadoo marka loo eego shurudaha Maamul Goboleedyadda Federaalka lagu dhisey ey jiraan caqabaddo badan aaney buxin karayn oo ku xidhan dhinaca Dastuurka Federaalka.

Isku soo wadda duubo, dadka Soomalidda qabiilku wuu mideeya. Siyaasadduse ma mideyn karto. Sababtuna waa siyaasiga raba inu isagu aragtidiisa meel mariyo.

Hadaba sanadkan cusub waxa dhici doona isebedel siyaasadeed oo ka dhex dhici doona siyaasiyiinta tageersan iney puntland ka sii mid ahadaan iyo kuwa diidan oo tageere buuxa ka helaya dareenka shacanka ee maanta taagan.

Waxeyna dhalineysa khilaaf xoogan. Waayo marwalba caadifaddu waa maalmaha hore. Waxase lagu kala taga aragtida saliimka ah.

Dhinaca Somaliland rajadda ugu mihiimsani waa iyadoo Somaliland hogaan cusubi yimaaddo. Nabad galyo lagu kala saxeexddo sidii loo wadda nolaan lahaa. Ka dib maxabiista la is weydaarsaddo.

Ka dib markaas wadda hadal furmo. Sidii dadka Gobolka Sool loogu qancin lahaa iney ka mid ahaadaan xukumadda Somaliland oo ku saleysan Taarikhdii 1960. Waxeyna taasi u baahan tahey.

Siyaasadd degan iyo kasbasho laga dhaahiyo. Shacabka reer Sool dhibaatadii ku dhacdey. Sanadkan sii dhamanaya. Weyna suurta gali karta iyadoon nina la khasbeyn in miiska si hufan loogu wadda hadalo.

Boodhkana laga tumo AHN heshiiskii ALI KHALIIF GALEYDH. Kaaso ku dhisna in Somaliland (Cake) miiska la saaro.
Taasina waxey ku iman karta, in Madaxweyne Cusubi yimaado Somaliland.

Waayo Madaxweyne Muuse maaha nin Heshiiskaas fulin karaa. Sababtuna waa ninka gacantiisa ku diley. Rabshadahii iyo khasarahii Laascaanood ka dhaceyna ku suntan.

Aragtidan waa mid ku saleysan waaqaca socda iyo odoroska mustaqabalka ee xaqiidda ah. Maaha malo awaal. Waase saan-saanka maanta taagan iyo tusmadda berito iman karta. Siyaasadduna waa waxa qudha ee isbedelbedelkeedu badan yahay.

Aragtida dadku waa marba sidda loo jiheeyo. Looguna qanciyo fekerka laga dhaadhicinayo. Key qabeena loogu diideyn. Balse la leeyahey fekerkaga kana ka wanaagsan.

Sanadka 2023 Waxa bilaabamaya khilaaf siyaasadeed oo ka dhex qarxaya Gobolka Sool. Kuna dhisan aragtiyo is diidan kuwaas oo ey hagayaan damacyo siyaasadeed.

Waa Bilaahi Towfiiq
Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

diinaari1960@gmail.com