Writen by Qaran News |

Siyaasi Cali Guray oo maanta la hadlay saxaafada ayaa dhaliilo culus u soo jeediyay xisbi xaakinka Kulmiye iyo sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi, waxana uu si mug leh isu garab taagay siyaasda iyo aragtida siyaasi Maxamuud Xaashi oo dhawaan laga caydhiyay xisbiga Kulmiye, siyaasi Cali Guray waxa uu ku dheeraaday doorkii uu Maxamuud Xaashi ku lahaa guushii madaxweyne Muuse Biixi ku hantay kursiga madaxweynaha iyo asaaskii iyo guulihii Kulmiye.

Siyaasi Cali Guray waxa uu amaan u soo jeediyay xisbiga Waddani waxana uu sheegay in uu aad ula dhacsanyahay wixii ka soo baxay shirkii shalay dhamaaday ee xibigaasi oo lagu soo doortay gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxana uu daboolka ka qaaday in uu taageersanyahay xisbiga Waddani isla markaasina ay isaga iyo Maxamuud Xaashi ay isku mawqif yihiin dhawaana la arki doono.

Xisbiga Waddani ayaa waxa soo badanaaya tageerayaashiusa dhamaan gobolada dalka oo dhan

Waxana ay xisbiga Waddani ay shaaca ka qaadeen in siyaasiyiin iyo dad badan oo miisaan culus ku lihi ay dhawaan xisbiga ku soo biiri doonaan oo hada xisbiga lagu soo qulqulaayo.