WELIGEEN TAN OO KALE
Arbacada iyo khamiistu waa laba maalmood oo isku xiga oo Arbacadu soo horayso. Ma laga yaabaa in maalin dhaw madaxwayne Biixi uu yidhaa “maya maya Khmiista ayaa laga soo hormarinayaa Arbacada” oo hacooyadu sacabka u tumaan iyagoo ku shibiro-waaqlaynaya “haa haa waa runtii Khmiista ayaa ka soo horaynaysa Arbacada. Maanta saw Isniin maaha …Haa waa isniin. Khamiis waxa inaga xiga beri oo salaasa ah. Waaba saadambe Khamiisti. Madaxwaynahaa yidhi.
Waxan ku keenay labada doorasho ee November iyo December sawkan inagu leh ta December baa ka soo horaysa ta November. Miyaanay ka dhignayn Bisha December ayaa laga soo hormarinayaa November? Wallee waa yaab iyo yaabka yaabkii.
Waar maxaynu tu walba maqli oo wax kasta la inagula dhici oo aan waxba la inagala xishoonayn