Writen by Qaran News |

Siyaasi Cali Guray oo sadaal ka bixiyey Dagaalada Itoobya ka socda

Xaaladda Itoobiya Ma Muuqato in xal nabad ah lagu soo dabaali Karo iska daa heshiis in la gaadho eh xataa xabad joojin Ayaaban suurtogal ahayn wakhtigan iyo xataa mustaqbalka Dhaw. Marka aynu og nahay dhexdhexaadintii ergayga AU xabad joojin shuruud la’aan ah. Shuruudaha labada dhinaca ee Abye Ahmed Oo saaka ku waabariistay foromaha hore ee dagaalka iyo Madaxda TPLF ay ah kaaf iyo kala dheeri. TPLF sadex shardi oo ay ku xidhay aqbalaadda xabadjoojinta mid ahaan mooyee labada kale maba adka. Tigraygu waxay shardiga koobaad u ah in kaalmada bani aadminmo ay si caadi ah u gaadho dadka macaluushu hayso ee Gobolka Tigray. Waa ta labaad eh in loo soo wada celiyo gobolka dhamaan adeegyadii dawladda ee laga gooyay oo dhan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin Korontadii iyo warisgaadhsiintii iyo weliba gancasigii iyo isu socdka gaadiidka iyo badeecadaha. Qodobka ugu adag ayaa noqonayaa ee dhamaan ciidamada Itoobiyaanka, Amxaarada, iyo Calatariya ay wada baxaan galbeedka Gobolka Tigray sida Xumayra oo xadka Sudan oo Axmaaradu sheegato in ay degaankooda ka tirsan tahay balse Tigraygu ay degaankooda raaciyeen markii xukunka Itoobiya ay la wateegeen horaantii sagaashanadii qarnigii hore. Dhinaca Kale Abye Ahmed wuxu ku adkaysanayaa in aanay jirayn wax xabadjoojin ah inta ciidamada TPLF ay haystaan magaalooyinka iyo dhulka degaamada Amxaarada iyo Canfarta ee dagaalka ay ku qqbsadeen oo dhan dibna ciidamada TPLF ugu noqonayaam Gobolkooda Tegray.

 

Sidaa marka mawqifyada labada dhinac yihiin xabadjoojin warkeeda meel ayaa la iska dhigay, dagaalkina si joogto ah ayuu u socdaa weliba waxa ku gacan sareeya TOLF iyo jabhadda OLA oo maalin kasta magaalooyin hor leh kala wareegaya Ciidanka Dawladda iyo xulafadooda ka barbar dagaalamaya in kasta oo maalmihii ugu dambeeyay Ciidanka Dawladda, militia-da Amxaarada iyo weliba ciidamada Canfartu ay uga quus gooyeen Magaalada Istraatajiga ah ee Mille ee dhacda wadada muhiimka ah ee isku xidha Jabuuti iyo Addis Ababa.

Bulshada caalamka gaar ahaan Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo EU ayaa werwerka ugu wayn ka qaba in dagaalku uu gaadho gudaha caasimadda Addis Ababa dagaalkuna isu rogo dagaal sokeeye oo birta la iska wada aslo. Inta aanay heerkaa gaadhin ayay cadahay dadaaladii la sameeyay oo dhami in ay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Sidaa daraadeed dawladaha waawayn oo aan wax rajo ah ka qabin in dagaalka la joojio ayay taladoodu ku soo ururtay in ay dadkooda uga digaan khatrata uga iman karta dagaalka Itoobiya iyagoo dadkooda ku sugan Itoobiya kula taliyay in sida ugu dhakhso badan ay uga baxaan Itoobiya inta ay goori goor tahay. Kuwana waxay bilaabeen duulimaadyo gaar ah oo dadkooda ay kaga daadguraynayaan Addis Ababa oo ay dagaaldu ku sii dhawaanayaan maalinba maalintaa ka dambaysa.

 

Dad badan oo xogogaalnimo iyo xeeldheeri loo tiriyo iyo warbaahinta caalamiga ah halka xaaladda Itoobiya ay ku dambayn doonto way ka dayrinayaan. Kuwo ayaa rumaysan in wixii Itoobiya la isku odhan jiray ay u dhamaatay kuna dambayn karto dawlado dhawr ah oo qoomiyadaysan. Kuwo kale ayaa iyaguna xusay hadii Itoobiya ay sii jiridoonto iska daa Dawladda Dhexe oo awood lehe xataa waxa adag in sida hadda ay tahay noqoto federaal, magaca Itoobiyana waxa uu ku sii jiri karaa keliya nidaam Confederal ah oo dawlado wadaaga magaca balse waxa keliya ee ka dhexeeyaa uu yahay  lacacagta, iyo arimo yaryar oo kale uun ay yihiin. Waa hadii magaca Itoobiya uu sii jiri doono.

Hadaba dagaalkan Dawladda Abye Ahmed iyo mucaaridkiisa hubaysan yaa guulaysan kara ayaa loo malayn karaa. Anigu sida aan u arko dhinac la odhan karo wuu guulaysanaa ma jiro ee waxay u badan tahay in la wada guuldsraysanayo in kasta oo dhinaca qoomiyadaha ay mid guuldsradeeda ta kale ay guusheeda u arki karto. Kuwo kalena ay burburka Itoobiya u arki karaan in guushoodu ay ku jirto.