AFKII BEEN SHEEGI JIRAY MA HADUU RUNTA BARANAYAA!
Yaa, 15 suxufi baa been sheegay lafteeda ayaa been ah. Suxufigu hadii war aan run ahayn ama wax ka qaldan yihiin sheego oo ay cadaato waxa u furan in uu raaligelin bixiyo dibna u saxo wixii ka qaldanaa warkii uu sheegay. Ta kale Somaliland goorma ayay beentu dembi noqotay? Yaa ka been badan madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta weliba kuwa ugu sii sareeya ayaaba ugu sii been badan. Hadda xadhiga suxufiyeenta aan wax dembi ah oo ciqaab ay ku mutaan aan gelin xadhigooda xukuumaddu in eedo mooyee wax ay ka faaiidayso anigu garan maayo. Kuwo Somaliland iyo hormarkeeda ka naxayay ayuu xadhigga suxufiyiinta mawduuc ay maalmo wadwadaan u noqday oo ku faraxsane wax kale muu soo kordhin.
Anigu waxan leeyahay suxufiyiinta dhalinta yar cadaalad ha helaan oo xoriyadooda ha loo soo celiyo. Heli maayaan oo hadaba ma hayaane mar la sii daayo-ba horta waa la soo dayn. Waayo xabsiga waxay ku jiri doonaan inta uu cadho-burburayo kii xidhay ee u awood sheegtay. Kaasina waa Madaxwayne Muuse oo isagu awoodda xidhista iyo furistaba keligii go’aanka ugu dambeeya iska leh, ilayn waa Madaxwayne eh. Dan kale kama laha xadhigga suxufiyiinta ka cadhaysiisay ee horta waa in uu qasacadaha ka yara jehebiyo maalmo ama todobaadyoba ha noqoto eh. Xadhigoodu toosin iyo dhaqancelin midna maaha eh marka ay xabsiga ka soo baxaan iyagoo qasacadaha laga soo jejebiyay hadda ogaada waa markaa marka ay sheeko joogtaa warbaahinta madaxbanaanina Somaliland waa xisbiga afraad oo marka ay af-dheerida tahay ka af-dheer sadexda xisbi iyo xukuumaddaba ka af dheer eh. Weliba warbaahintu way ka tol badan tahay xisbi iyo xukuumad oo tolwaynaha saaxafadda dunida ay tolkood ah. Yaa ka tol badan ma Muuse iyo xukuumaddiisa iyo Kulmiye. Cidda kelya ee ka faaiidi doonta xadhigga suxufiyiintu maaha Madaxwayne Muuse ee waa mucaaridkiisa u doodaya ee ka soo horjeeda xadhigooda eh bal ogaada.
Ugu dambayntii anigu waxan leeyahay beenta dadwaynaha loo shegayaa ee warbaahinta loo marinayaa ama dembi ha noqoto sharci ahaan oo ha loo wada sinaado ilaa Madaxwaynaha ama hadal hadal baa ka furan eh ciddi been sheegto runta uun ha la sheego beenta runta ayaa lagaga adkaan karaaye.
Hadda Madaxwaynaheenu wax badan buu inoo sheegay. Waxa ka mid ah in dalka ay ka qabsoomi doonaan wakhtiyadoodana ku qabsoomi doonaan oo sida ay u kala horeeyaan loo kala horqaban doono. Ma run buu inoo sheegay mise been. Insha Allah runtii bay noqon. Waa May, November, iyo Decem
 waxa Qoray Cali Gurey