Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo si farshaxnimo ah u weeraray Mid ka mida hogaamiyeyaasha Siyaasada Somaliland

Qorre- Jamaal Cali Xuseen
Nin tuug ahaa ayaa intuu isa soo qaawiyey is yidhi Reer u dhac ka dib isagoo qaawan baa la eryaday. Ka dib isagoo ordaya ayuu nin dariiqa maraya Oo dhar badan Sita go’ kala cararay. Aroortii danbe kii go’a lagala cararay Oo isaga qudhiisu tuug ruug cadaa ahaa ayaa maqaaxiddii soo fadhiistay isagoo shaadali shaah ka bixinaya dadkii maqaaxida fadhiyey maadama uu xalay Ilaahay ka badbaadiyey Shaydaan Tuug ah Oo qaawan Oo go’ kala cararay. Show waxaaba shaadaliga wax ka cabaya tuugii shaydaanka la mooday. Kolkii cabaar lays waraystay ee Loo duceeyey Tuugan shaadaliga shubaya. Dadku ileyn waa masaakiinoo iyagoo ay og yihiin inuu tuug yahay ayeey hadana shaahiisa cabayaan Oo weliba ka xun yihiin dhibaatadda gaadhay oo weliba qaarkood ku amaanayaan tuuganimadiisa oo ay u duceynayaan. Kolkii danbe kolkii Tuugii shaadaliga shubay ku celceliyey isagoo murugaysan ” waa kolkii Ugu horeysay ee aniga lay khiyaameeyey Oo weliba shaydaan i dhaco!” Kolkaasi tuugii uu shaydaanka mooday baa u jawaaboo ku yidhi ” Iska adkayso in badan baad adiguba wax khiyaameynaysay sow maaha sidaasbad buro ku haysayoo wixiiyoo hantiya Oo aad habeenkii sidatay kuu Nabad gashaye!!
Hadaba ninkii shaadaliga shubay ee tawaawacayey baa yidhi ” Maahmaah Chinese ah ayaa tidhaahda haddii dayn lagugu leeyahay hore haw bixin waa intaasoo cidii kugu lahayd ay dhimataaye” nin kaloo si fiican u yaqaana Oo meesha fadhiyey baa yidhi ” malaha doorkan adigaa dhimanayee nin iska dhig Oo cabaadkii jooji awalba wax aanad ku soo tabcin baad xadaysayoo sidataye”