JAMAAL CALI XUSEEN
Beri ayaa laba nin oo saaxiib ahaa oo reer Hargeysa ahaa ayaa maalinta Khamiista uun bay qayili jireen, hadaba maalin Khamiis ah ayaa u yimaadeen asxaab kale iyagoo Qaad sita. Inyaruun kolkii la fadhiyey ayeey labaddii nin ee saaxiibka ahaa ay isku xanaaqeen oo hadal lays weydaarsaday. Ka dib waxa lagu heshiiyey inay dooxa isla tagaan oo isku soo dilaan. Iyagoo Qaadkii iyo asxaabtii la kala safatayba ka yimid. Kolkay dhexda marayaan ayaa nin ka mid ah raggii ayaa yidhi; “Waar imika kolkaynu isa soo dilno soow soo noqon mayno inagoo dhiiga inaga da’ayo oo meel walba ay ina kuusan tahay.” Kii kalaa ku jawaabay “ Walaahi waa runtaayoo ma inagaaba mirqaami karno inagoo sidaasiya, ka waran hadaynu mirqaanka dabaddii is dilno oo dooxa isla nimaadno.” Abshir iyo wanaag ayaa arrinkii layskula qaatay.
Kolkay ay labaddii nin ku soo noqdeen asxaabtii kaleeto oo goobtii fadhida ayaa nimankii la kala safnaa uu muran iyo faro ku taag-taag ba’ani uu goobtii ka dhacay kolkay arkeen dagaalkii ay filayeen oo dhici waayey. Labaddii nin ee soo heshiiyey ayaa ka yaabay halkay ka gaadhay taageerayaashooddii inkastoo ay soo heshiiyeen kolkaasay labadoodii nin is eegeen iyagoo yaaban. Mid ka mid ah nimankii ayaa isagoo fajacsan yidhi; “Waar yaadhaheen idinku taageerayaal baad noo kala ahaydeene maxaa idin xiijiyey kol hadaanu heshiinay!, kolkaanu is dilnana arka kolkaanu heshiinana arko oo idinku haysa seegina!” Hadalba gam, dib loogama daba hadlin ilaa intuu mirqaanku dhamaanayey; mooji dabadeed wax dhacay !!!!.
May be an image of 1 person and sitting