Siyaasi Kaysar oo si adag ula hadlay Prof-Axmed Ismaacil Samatar & Ex-wasiir Ataash

Haddii Doorashooyinka Madaxtooyada lagu dhawaaqo, oo aan Aniguna iska idhaahdo Murashax ayaan ahay, ka dibna aan idhaahdo Madaxweyne Muuse Biixi isaguna waa Murashax aniguna Murashax ayaan ahay markaas Xaq ayaan u leeyahay inaan Dalka la maamulo oo Kursigiisa aan Kursi ag dhigto ma macquul baa?
Hadda weliba ogow xataa Urur maan noqon, oo Xisbi maan noqon, balse Xaflad ayaan hudheel ku qabsaday oo aan Boqol qof isugu yeedhay, iskayna ugu dhawaaqay urur iyo magac.
Haddii Urur ama Xisbi lagu noqonayo shir yar oo hudheel lagu qabto, ka dibna aad la sinaanaysid Xisbiyo Qaran oo Shahaado haysta, maxaa diidaya inay maanta Kun qof kun xafladood ku qabsadaan hudheelo oo ay kun magac ku dhawaaqaan, ka dibna yidhaahdaan miiska ayaanu dhinacayaga ka fadhiisanaynaa?
Urur sharci ah inaad noqoto iyo inaad Xisbi Qaran noqoto waxaa loo maraa jid dheer oo dhib leh, balse laguma noqdo shir hudheel lagu qabto iyo magac lala baxo.
Ciddii doonaysa inay Xisbi Qaran u gudubto waxaa looga baahan yahay inaanay wakhti iskaga lumin muran iyo isku dhererin khiyaali ah oo ay isku dhererinayaan Xisbiyada Qaranka ee Sharciga ku ah Xisbiyada Qaran, balse waxaa looga baahan yahay inay ku dedaalaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dariiqa dheer ee hor yaala ee Urur ama Xisbi lagu noqdo.
Waagii ay Xiisaha maamul goboleedyadu socdeen ayaa magaalooyinka London iyo meelo kale inta Xaflado lagu qabto la odhan jiray Maamul hebel ayaan ku dhawaaqnay, Madaxweyne hebelna waan u dooranay, ka dibna waxa la maqli jiray Madaxweyne ku sheega hudheelkaas lagu doortay oo leh anaga iyo maamulka Somaliland waanu simanahay waa in aanu ka qayb galnaa Wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. ..
Saaxiibaday Cabdirisaaq Ataash iyo Professor Samatar waxaa haboon inaanay u dhaqmin sidii kuwaas aynu soo sheegnay ee hoteelada isku caleemo saari jiray.
Waa laba masuul oo Qaranku u baahan yahay oo aan jeclaan lahaa inay hogaamiyaan Xisbiyo Qaran, balse kama filanayn in ay sida caamada u hadlaan oo ay la shir yimaadaan sidii Xisbiyo Qaran halanoola dhaqmo
Dhayal Xisbi Qaran laguma noqdo, balse dedaal iyo dagaal adag iyo taageero iyo Cudud dadweyne ayaa Xisbi Qaran lagu noqdaa.