Siyaasi Putin saaxiib dhow la ah oo Ukraine Gacanta ku dhigtay

Handout photo by Ukraine's security service SBU purportedly showing Viktor Medvedchuk in handcuffs
Laamaha amaanka ee Ukraine ayaa soo bandhigay sawir lagu tilmaamay Viktor Medvedchuk oo gacmaha ka xidhan

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in xabsiga loo taxaabay siyaasi u dhashay dalkaas oo xulafo la ah dowladda Ruushka, kaas oo baxsad ahaa in muddo ah.

Viktor Medvedchuk, ayaa loo arkayay saaxiibka ugu dhow madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ee ku sugan gudaha Ukraine.

Taliska laanta amniga Ukraine ee magaceeda loo soo gaabiyo SBU ayaa shaaciyay sawirka qof lagu tilmaamay inuu yahay Mr Medvedchuk oo gacmaha ka katiinadaysan, kuna labisan dirayska ciidanka militeriga Ukraine.

Ninkan ayaa markii hore ku jiray xabsi guri ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kyiv isagoo lagu tuhunsanaa khiyaano qaran – balse waxa uu baxsaday islamarkii uu Ruushku dagaalka ku qaaday Ukraine, 24-kii bishii February.

Hase yeeshee Mr Medvedchuk, oo 67 jir ah, waxa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo khudbaddiisa habeenlaha ah u jeedinayay qaranka ku sheegay in uu oggol yahay in Mr Medvedchuk ay ku baddashaan wiilasha iyo gabdhaha reer Ukraine ee hadda gacanta ugu jira Ruushka”.

Goor sii horraysay waxa uu Facebook kusoo qoray in Mr Medvedchuk lagu xiray “howlgal khaas ah” oo ay sameeyeen ciidamada waaxda amniga ee magaceeda loo soo gaabiyo SBU.

A photo purportedly showing arrested Viktor Medvedchuk

Taliska laanta amniga ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi: “Waad noqon kartaa siyaasi taageersan Ruushka waadna u shaqeyn kartaa dowladda gardarrada wadda muddo sannado ah. Waad iska qarin kartaa caddaaladda muddo. Xitaa waad xiran kartaa labiska militeriga Ukraine, adigoo isqarinaya.

“Balse taasi miyay kaa caawin kartaa inaad ciqaabta ka baxsato? Waa maya!! Katiinad ayaa ku sugaysa adiga iyo kuwa khiyaanada qaran ku sameeyay Ukraine ee kula midka ah.”

Mr Medvedchuk, oo sheega in Madaxweyne Putin uu garab u yahay gabadhiisa, ayaa ah ganacsade maalqabeen ah oo hoggaamiya kooxda mucaaradka dowladda Ukraine ee taageersan Ruushka – oo lagu magacaabo Xisbiga Nolosha.

Marar badan ayuu eedeymaha isaga ka dhanka ah ku tilmaamay “Arrimo la siyaasadeeyay”.

Dagaalka Ukraine

Muddo sannado ah ayaa Mr Medvedchuk loogu dulqaadanayay gudaha Ukraine isagoo ku lug lahaa siyaasadda, maadaama loo arkayay qof muhiim ah oo dowladda Ukraine u ah waddada ay u marto wadahadallada ay la yeelato madaxtooyada Ruushka ee Kremlin.

Hase yeeshee bishii May ee sanadkii 2021-kii ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano qaran.

Ruushka ayaa sheegay Talaadadii in uu hubinayo wararka ku saabsan xarigga siyaasigaas.

Afhayeenka Mr Putin, oo lagu magacaabo Dmitry Peskov, ayaa sheegay in sababtu ay tahay “maadaama ay warar badan oo been abuur ah kasoo baxaan dhinaca Ukraine” oo “haddana wax walba ay u baahan yihiin in la xaqiijiyo”.