Borama (Qaran news)-Siyaasi Cawaale Shirwac oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa saluug ka muujiyay lacagta halka milyan ee doolar ee xukuumadda Muuse Biixi u qoondaysay dhisida dekada Lughaya, waxana uu nasiib daro ku sheegay in madaxweynahii hore ee Somaliland uu lacagtaasi ka aqbalo xukuumadda oo uu la shir miyaado gobolka Awdal.

Hadaba Awaale Shirwac oo hore wasiir uga soo noqday xukuumadda Muuse Biixi ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa X ee ahaan jirtay Twitter waxa uu u dhignaa.

Waa ayaan darro in Madaxweyne Riyaale aqbaley inuu fariintan gaadhsiiyo Deegaanka Awdal. Hal Million$

#Hal #Milyan oo Doolar waa kharashkii ay dawladu ku bixisay biyo xidheenka yar ee mid ka mid ah tuulooyinka SOMALILAND. Kani maahan tilmaan dhab ah, waa # KHAYR LA’AANTA ugu yar

…..

Awale.I.Shirwa.
@Awale11

It is unfortunate that President Rayaale has accepted to convey this message to Awdal Constituency. #OneMillionGate$

#One #million dollar is the cost government paid for small Dam in one of the SOMALILAND villages. This is NOT a genuine GESTURE, it’s #DISRESPECT the least 👎