Writen by Qaran News |

Maalintii shalay ahayd ayaa waxa xisbiga Waddani si toos ah uga soo dhex mudhay xildhibaan Nacnac oo ah nin aad u culus kana mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland isla markaasina ah siyaasi aad ugu xeel dheer arimaha ololaha iyo soo jiidashada bulshada Somaliland.

Hadaba markii uu shalay xildhibaan Nacnac shaaca ka qaaday in uu ku biiray xisbiga Waddani waxa ay saxaafadu waydiisay su’aalo badan waxna jawaabihii uu bixinaayay ka mid ahayd…. Dadkuba way wada yaacayeen oo Waddani ayay galyeen ee dee dadkaas ayuunbaan ka mi ahay, waxbana ma yaalaan Kulmiyaha cusub, hadaba kalmadaasi uu xildhibaan Nacnac ku jawaabay waxa ay soo jiidatay siyaasiyiin aad u tiro badan oo ka mid ah xukumadda iyo golaha wakiilada, waxna ilaa shalay bilaabmay dhaq dhaqaaq xoogan oo ay wadaan siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka mid ah xukumadda Kulmiye oo la filaayo in ay dhawaan iska casilaan xilalka ay ka hayaan xukumadda Kulmiye ee wakhtigeedu dhamaaday masuuliyiin badan oo la filaayo in ay isku soo shubaan xisbiga Waddani