Nin Rakaab ah oo Soomaali ah ayaa khalkhal geliyey Diyaaradda laga leeyahay Turkigu oo ku jirtay hawada, iyada oo ka soo haaday gegida diyaaraddaha ee Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho.
Ninkan Rakaabka ahaa oo lagu eedeeyey inuu cabsanaa khamri, ayaa la sheegay inuu weeraray shaqaalaha diyaaradda oo markaa gashay Hawada Dalka Masar, isaga oo ka hor intii aanay shaqaalaha is af dhaafin ay isku dhaceen rakaab saarnaa Diyaaradda.
Duuliyihii Diyaaradda ayaa go’aansaday in uu deg deg dib ugu celiyo Diyaaradda dhinaca Turkiga, iyada oo ninkii rabshada sameeyey halkaas lagu xidhay.
Somali Rakaab ah oo khalkhal geliyey Diyaarad maraysay Hawada