WAXA SOO SOCDAA YAAB LEH
Q.4aad
Somaliland aakhirka waa inta Muuse Biixi ka soo hadha ee tolow intay noqon doontaa? Anigu waxan ka baqayaaba in ay waxbaba ka soo hadhi waayaan hadii Somaliland midnimadeeda wadajirkeeda iyo wax wada lahaanshaheeda la waayo uu Muuse xabad iyo xadhig ku kala furfuro xaalkuna noqdo RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC
Xubin komishan ah uu isagu soo magacaabay wixii ka dhacay baynu ogayn. Maanta kursigii uu ku fadhiyay ayaa la leeyahay soo dhig waa lagugula tartamayaa oo waa dhamaad muddadii laguu doortaye, xaalkiisana wuu og yahay in laga guulaystona aad buu u neceb yahay.
Sida aan u arko Muuse kuma talo jiro in uu tartan labaad galo oo sanduuq iyo warqad kursiga ku baneeyo. Hadii uu u arko in laga helayo doorashada uu qabanayaa ma jirto, si uu kuriga ugu sii fadhiyo inta uu isagu doonayo. Wuxu doonayaa kolka inta uu doonayo sii haysto hadhow inta musharax kale keeno uu yidhaa ha ka helo hadaba kaa aniga Cirro iga adkaan maayo eh.
Hadda intii uu isagu qalayo ragna wuu qaybinayay misna talada tooda kuma darin. Hadii Muuse isku halaynayo awoodda kursiga muddadii loo doortay ay dhamaatay uu rumaysto in cid kasta uu ku muquunin karo waa markaa marka xaaladda Somaliland ay halis u tahay in ay gaadhi karto heer aanay gaadhin tan iyo 1997kii.
Ragga marka la xiniinyo taabto in quudhsi uu ogolaado wuxu ka xigaa wax kasta oo kale. Hadda ogow waxa la yidhi cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa eh. Kibirka iyo isla waynidu Muuse hadii aanay gaadhsiinin heer uu Madaxwaynaha Muqdisho kaga taageero bato Hargeysa iyo Burco wixii kaleba waa saleelo.
Markaa Allow yaa la taliya oo ku yidhaa “waar hooy xaaladda ha gaadhsiinin meel aanad hadhow ka soo celin karin”. Oo miyuu ka qadanayaa ilaa uu gidaarka soo hirdiyo ragba wax lama aha waxna iskaga tirin maayo eh.
ELECTIONWATCH
CALIGUREY
May be an image of 1 person