Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wajahaysa abaar ba’an oo si weyn u saameysay beeraha iyo xoolaha, iyadoo rajaynaysa in iskaashiga cusub ee ay la yeelanayso Israel uu ka taageeri karo maaraynta biyaha iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.
Sidaasna waxa Lagu Sheegay warbixin ay qortay Wakaaladda wararka AFP, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay warbixintu tilmaantay in dhulkii la beeray uu roob la’aanta dartii isku beddelay carro qallalan, iyadoo kaydkii biyuhuna engageen.
Deegaanka Lallays ee Gobolka Saaxil, ayaan la helin wax roob ah tan iyo badhtamihii sannadkii hore, inkastoo xilligan caadiyan ahaan jiray xilliga ugu roobka badan Somaliland.
Beeraleydu waxay ka digayaan in haddii xaaladda abaartu sii socoto ay ka guuri doonaan dhulkooda oo ay u hayaami doonaan magaalooyinka, maadaama noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha iyo wax-soo-saarka beeraha oo hadda khatar ku jira.
Warku wuxuu intaas ku daray in Bishii December, Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Somaliland tan iyo 1991-kii, arrintaas oo dhalisay hadal-heyn ku saabsan iskaashi istiraatiiji ah oo labada dal yeellan doonaan.
Qaybtii ugu horreysay ee 25 shaqaale oo ka tirsan waaxda biyaha Somaliland ayaa gaadhay tababar lagu qabanayo Israel, iyadoo khubarro Israeli ahna la filayo inay Somaliland ka hirgeliyaan tiknoolajiyad cusub oo la xidhiidha sifeynta iyo dib u wershadeynta biyaha.
Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa rajo ka muujiyay in khibradda Israel oo aad ugu horraysa maaraynta biyaha dunida ay wax ka beddeli karto ku-tiirsanaanta roobka, isla markaana kordhin karto dhulka la beero oo hadda aad u kooban Somaliland.
Sidoo kalena, khabiir ku takhasusay beeraha ayaa sheegay in ku dhowaad 90% beeraleyda Somaliland ay si buuxda ugu tiirsan yihiin roobka, taas oo ka dhigaysa kuwo aad ugu nugul abaaraha xiliyada Abaaraha.





