Somaliland: Is-Goyska Xaggee uga Kacnaa?

Cabdillahi Xuseen

Abhussein1988@gmail.com

18 May 2023

 

26 sanno ee u danbeeyey waxaa Somaliland lagu kala hogaaminayey laba siyaasiyadood oo kala duwan. Siyaasada hore waa tii uu muddo 13 sanno ah (1997-2010) dalka ku hogaaminayey Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (IHN) iyo xisbigiisii UDUB. Siyaasada kale waa tii garab ka mid ah SNM iyo xisbiga Kulmiye dalka ku hogaaminayeen muddo 13 sanno ah (2010-2023). Maqaalkan waxaynu ku gorfayn doonaa labadaa siyaasiyadood nooca ay ahaayeen, cida hogaaminaysay iyo waxa laga dhaxlay. Waxaynu ku soo gebo-gabaynaynaa su’aal ah inaynu si waydiino Somaliland isgoyska ay taagan tahay maanta dhinacay uga dhaqaaqi lahayd: ma waxa aynu ku sii soconaa wadadii uu 13 sanno ee u danbeeyey (2010-2023) dalka ku jiheeyey Kulmiye mise waxaynu dib u raacdaynaa jidkii uu inoo jeexay madaxweyne Cigaal (IHN) iyo xisbigiisii UDUB ee aynu ku soconay mudada 13 sanno ahaa (1997-2010)?

Hordhac:

Xaaji Cabdi Waraabe (IHN) oo ka waramaya kulano uu ka qayb galay oo lagu abaabulayey jabhadii SNM horaantii 1980-kii ayaa sheegay inuu kula taliyey ragii abaabulka waday inay Soomaali oo dhan ka soo qayb galiyaan shirarka. Waxaa uu sheegay in taladaa laga diiday oo ragii ku adkaysteen in kulanku Duriyada ku koobnaado. Haddana waxaan ku taliyey buu yidhi in intii “Huwanta reer Waqooyi” laysku odhan jiray ee Warsangali, Dhulbahante, Samaroon, Akishe, Madigaan, Muuse Dhari, Muse Lini iwm laysu keeno taas oo Iyana laga diiday. Hadana waxaan idhi buu yidhi waar reer Hargaysa ahaan inoo kulan siiya, taas oo Iyana laga diiday oo waxaa ragii ku adkaystay in Duriyadu ama Isaaqnimo loo kulmo. Wuxuu sheegay inuu arkayey in marka qabiil gaara laysula baxo aan la heshiinayn, gobanimaduna ku jirto “is dabo socod” ee aanay ku jirin “is barbar socod.” Nasiib daro taladii Xaaji Cabdi Waraabe lama qaadan ee waxaa la aasaasay jabhadii ku suntanayd Duriyada ee SNM. Tani waxay dhalisay in dagaalka ay ku kaliyaysato Duriyadu oo u babac dhigaysa dowlad xoogan oo taageero badana ka helaysay aduun waynaha.

 

Xulafaysigii u Horeeyey ee SNM Gasho:

Dagaaladii lagula jiray xukuumadii Siyaad Barre ayaa bilaabmay taas oo shacabka dhib badani ka soo gaadhay iyadoo xukuumadaasi u arkaysay inay taageerayaan jabhada. Dagaaladaasi waxay ku soo gabo-gaboobeen in si toos ah ay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco ugu dagaalamaan jabhadii SNM iyo ciidankii xukuumadii Siyaad Barre sannadii 1988. Markii ay dagaaladii jiitameen, magaalooyinkiina laga baxay ayay unkantay fikrad ah inaan kali laysku bixinayn ee la samaysto xulafo siyaasadeed oo dagaalka dhinac kale kaga furta dowladii Siyaad Barre. Ogow fikirkani waa kii hore looga diiday Xaaji Cabdi Waraabe markii lagu jiray aasaaska jabhada SNM. Fikirkaasi wuxuu yimi markii Gudoomiyaha SNM loo doortay Cabdiraxman Axmed Cali (Tuur) bishii Abriil 1990. Waxa suuragalay in heshiis ay wada galaan SNM oo Cabdiraxman Tuur hogaaminayo, USC uu Janaraal Caydiid hogaaminayey iyo SPM oo Axmed Cumar Jees hogaaminayey. Muddo yar oo ku siman todoba bilood kaliya ayay USC ku soo af-jartay cimrigii xukuumadii Siyaad Bare ka dib markii ay ka bilowday dagaal magaalada Muqdisho taas oo sababtay in ay burburto xukuumadii Siyaad Barre bishii Janaayo 1991.

 

Qabsashadii Dalka 1991:

Dhicitaankii xukuumadii Siyaad Barre waxay sahashay in SNM si fudud ula wareegto Somaliland. Hogaanka SNM waxa uu doonayey in is xulafaysiga SNM, USC iyo SPM sii socdo oo ay xukuumad wada dhistaan. Hase yeeshee garabka SNM ah oo u badan saraakiishii askarta ahaa ayaa u arkayey haddii Xamar dowlad laga dhiso inaanay iyagu saamayn siyaasadeed yeelan doonin sidaa darteedna ay ugu badinayso haddii Somaliland gooni isu taagto. Tani waxay keentay in hogaankii SNM lagu khasbo inay ku dhawaaqaan gooni isu taaga Somaliland. Waxaa halkan ku lumay fursado siyaasadeed oo la mid ah tii ay gaadhay jabhadii Eritrean Peoples Liberation Front (EPLF) ee ay iyada iyo jabhadii Tigreegu (TPLF) si wada jir ah u wada rideen xukuumadii Itoobiya ee uu hogaaminayey Mengistu. Jabhadii EPLF ee Careeteeria waxay dalkii la xasilisay Tigreegii ka dibna waxay ka codsatay inay dib u soo ceshedaan madax banaanidii Careeteeriya taas oo xukuumadii Tigreegu ka aqbashay sidaana ay Itoobia ku ictiraaftay gooni isu taaga Careeteeriya. Sidaa si la mid ah, SMN waxaa u furnaa inay dalka la xasiliso jabhada USC, ka dibna ka codsato in ay u ictiraafto gooni isu taaga Somaliland.

 

Xukuumadii SNM ee Cabdiraxman Tuur May 1991:

Ku dhawaaqii gooni isu taaga Somaliland ka dib, waxa madaxweyne loo doortay Cabdiraxman Tuur (IHN). Nasiib daro xukuumadaa uu Cabdiraxman Tuur soo dhisay waxaa ragaadiyey khilaaf ka dhex qarxay garabyadii SNM oo waji qabiilna yeeshay. Garabkii ka soo horjeeday Cabdiraxman Tuur waxa ay abaabuleen shir-beeleed ka qabsoomay magaalada Borama kaas oo uu xukunkii ku wareejiyey Cabdiraxman Tuur loona doortay madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (IHN).

 

Xukuumadii 1aad ee Cigaal (1993-1996)

Xukuumadii u horaysay ee uu soo dhiso maxadweyne Cigaal waxaa hormood u ahaa garabkii SMN ee hore u mucaariday xukuumadii Cabdiraxman Tuur. Si ka far celin ah ayaa haddana garabkii SNM ee taageersanaa Cabdiraxman Tuur mucaaridad hubaysan ugala hor yimaadeen xukuumadii Cigaal. Waxaa dhacay dagaalo burbur badan keenay oo socday 1994-1996.

 

Xukuumadii 2aad ee Cigaal (1997-2002)

Markii mar labaad dib loo doortay Cigaal sanadii 1997 waxa uu go’aansady inuu meesha ka saaro garabyada SNM ee iska soo horjeeday, kuwaas oo dalka galiyey dagaalo iyo kala qaybsanaan bulsho. Waxa uu u xusul duubay oo meel mariyey qorshayaal uu ku yagleelayo dowladnimada Somaliland taas oo ay ugu waynayd qorista dastuurka iyo ka guurida habka shirka beeleedka ee wax lagu soo doorto, loona guuro doorashada hal cod iyo hal qof. Isku dayga nooca ah waxa uu madaxweyne Cigaal kala kulmay in siyaasiyiin badani ay ka hor yimaadaan oo khilaaf abuurmo. Isku soo duuboo waxaa u suura-galay madaxweyne Cigaal arimahan hoos ku xusan:

  • Qorista dastuurka Somaliland
  • U Codayntii Dastuurka
  • Ka Guurida Habka Shir-Beeleedka iyo u guurida doorasho Hal Cod iyo Hal Qof ah
  • Qaramaynta Ciidan Beelaadyadii (demobilization of clan militias)
  • Hanaanka xisbiyada badan iyo aasaaskii xisbigii UDUB
  • Dhisid nidaam iyo haykal dowli ah oo leh kala danbayn

 

Xukuumadii Dahir Riyaale (2002-2010)

Run ahaantii aragtidii Cigaal ee ahayd in Somaliland la iska wada dhex arko waxaad ka fahmi kartaa markii uu geeriyooday 2002 cidii awoodaha ugu badan ee dowlada gacanta ku haysay waxay ahaayeen qaar ka soo jeeda beelaha aan Duriyada ahayn. Sida hoos ku qoran, sadexda dhardhaar ee Fulinta, Sharci-Dejinta iyo Garsoorkaba waxa madax ka ahaa madax ka soo jeeda Awdal, Sool iyo Sanaag bari:

  • Dahir Riyaale oo madaxweyne noqoday kana soo jeeda Gobolka Awdal
  • Maxamed Aden Qaybe oo ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada kana soo jeeda Gobolka Sool
  • Siciid Faarax Dhabuuke oo ahaa Gudoomihyaha Maxkamada Sare kana soo jeeda Badhan, Sanaag Bari

 

Dhinaca kale, sidii uu u qorsheeyey madaxweynihii ka horeeyey ee uu xukunka ka dhaxlay, madaxweyne Dahir Riyale Kahin waxa uu hirgaliyey doorashooyinkii hal qof iyo hal cod ee ka dhaca Somaliland intii dastuurka loo codeeyey ka dib. Doorashooyinkaasi waxay ahaayeen kuwii dowladaha hoose ee dhacay Diisambar 2002 taas oo ay ku soo baxeen saddexdii xisbi qaran ee UDUB, Kulmiye iyo UCID. Sidoo kale waxaa Dahir Riyaale qabtay doorashadii madaxweynaha ee 2003 iyo tii Golaha Wakiilada ee 2005.

 

Hadaba waxaa ay u qaadan waa ku noqday xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayey Axmed Siilaanyo oo horena u soo hogaamiyey ururkii Duriyada ee SNM inuu doorashii madaxeynaha kaga guulaysto xisbiga UDUB oo hogaaminayey Dahir Riyale oo aan Duriyada ahayn. Waxaa dhacay abaabul ay siyaasiyiinta Kulmiye dadka kaga dhaadhicinayeen in dalkii uu gacanta u galay “cid aan halgankoodii qayb ka ahayn oon aan garanayn waxa dalkan loo soo maray.” Tani kuma koobnayn siyaasiyiinta Kulmiye iyo taageerayeeshooda laakiin xisbigii UCID ee uu hogaaminayey Faysal Cali Waraabe ayaa fikirkan la qaatay. Tusaale ahaan, Gudoomiyihii Golaha Wakiilahda Cabdiraxman Cirro oo ka tirsanaa xisbiga UCID wuxuu si cad uga horyimid xukuumadii Dahir Riyaale waxaanu taageero iyo is xulafaysi u muujiyey xisbigii Kulmiye, taageeradaa la’aanteedna ay ku adkaan lahayd Kulmiye inuu guul gaadho. Waxaa kale oo taageero la barbar istaagay xisbiga Kulmiye siyaasiyiin kale oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaashi Cilmi, Caraale Duur iyo Gaboose, Waxaa aloosantay qabyaalad lagu abaabulayo mar kale Duriyadii kaas oo soo gabagabeeyey dhismihii hanaankii dowladnimo ee uu Cigaal yagleeyey muddo 13 sanno ah intii u dhaxaysay 1997-2010.

Ugu danbayn waxaa uu Daahir Riyaale hirgaliyey doorashadii madaxtooyada ee 2010 taas oo isaga lagaga guulaystay si gobonimo lehna uu u aqbalay, xukunkiina ku wareejiyey. Isku soo wada duuboo, madaxweyne Dahir Riyale wuxuu si fiican u hirgaliyey nidaamkii dimuquraadiya ee dastuurku jideeyey.

 

 

Xukuumadihii Kulmiye 2010-2023 oo 13 sanno ah:

 

Xukuumadii Kulmiye oo ku timi abaabulkii Duriyada waxa uu horseed u noqday musuq-maasuq baahsan iyo qabyaalad qaawan oo ka dhex bilaamantay Duriyadii wada socotay ee sida wada jirka ah ugu heshiisay riditaankii xukuumadii Dahir Riyale Kahin. Haba yaraatee ma jirto wax isbedel iyo kaabid ah oo lagu samayn dastuurkii ay hore ugu eedayn jireen madaxda Kulmiye inuu yahay shaadh uu toshay Ina Cigaal. Waxaa dadka qaar ku amaanaan xukuumdii Siilaanyo inay dhistay xafiisyada dowlada laakiin taasi may ahayn mid ku timi baahi iyo codsi ka yimi wasaaradaha ee waxay ahayd mashruuc wasiirkii maaliyada fursado qandaraas ugu abuurayey shirkad dhismaha oo share kaga jiray.

Waxaa Iyana dhacay kala furfur bulsho iyo iyadoo ay dareemeen beelihii darafyadu in dowladnimadii aanay waxba ku haysan. Dhinaca kale, sidii Xaaji Cabdi Waraabe hore u sheegay waxa muuqatay in Duriyadii markii ay gooni isula baxeen aanay heshiis noqon karin ee ay ku qurux badnaayeen markay dadka kale ee Somaliland taraxaan oo awooda la qaybsadaan sidii xiligii xukuumadihii Cigaal iyo Riyaale.

Waxaa markii ugu horaysay bilaamay jabhadii SSC, Khaatumo iyo Caare ee gobolada bariga Somaliland. Sidoo kale, waxaa bilaamay jabhadii Suldan Wabar oo gobolada galbeedka.

 

Maanta oo laga joogo 13 sanno markii Kulmiye talada dalka la wareegay, waxaa cad inaynu dib ugu noqonay meeshii Cigaal dalka ka keenay oo ay maanta dalku u eg yahay sidii uu ahaa 1996 oo ay dalka ka socdeen dagaalkii sokeeye ee Burco iyo Hargaysa 1994-1996. Maanta waxaa socda dagaal kii la mid ah oo ka dhacaya gobolka Sool. Waxaa iyana wiiqantay xoriyatul qowlkii iyo hanaankii dimuquraadiyada iyo doorashooyinka. Waxaa aad hoos ugu dhacay kalsoonidii dad badani ku qabeen Somaliland. Waxaa musuq-maasuq dartii u fashilmay mashaaric badan oo dowlado shisheeye maal galiyeen sida:

  • Mashruucii Madaarka Hargaysa oo la siiyey shirkad gacan ku rimis ah oo aan khibrad iyo awood u lahayn dhisme madaar
  • Mashruucii Xumbo Wayne ee Biyo-Galinta iyo kii Biyo-Balaadhinta magaalada Hargaysa
  • Mashruucii Wadada “corridor” ka ee Berber ilaa Wajaale oo roobkii ugu horeeyey ee inoo da’a xejin kari waayeeen

 

Halkee Baynu Is-Goyskan Uga Gudubnaa?

Waxay tahay su’aasha hortaal shacabka Somaliland xaggii ay uga kici lahaayeen meeshan ay taagan yihiin: ma waxay sii wadaan wadadan uu Kulmiye u jeexay (2010-2023) ee aynu aragnay najiitadeedii mise waxaynu dib ugu noqonaa jidkii uu inoo jeexay Cigaal (1997-2010)?

 

Haddii la doonayo inay sii jirto jiritaanka Somaliland waa in dib loogu noqdo wadadii uu dalkan u jeexeen madaxweynayaashii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (IHN) iyo Dahir Riyaale Kahin lana soo gebo-gobeeyo siyaasadii jabhadnimada iyo Duriyada taas oon Duriyadana kala irdhaysay dadkii kale ee reer Somaliland na fogaysay oo aanay maanta saamayn siyaasadeed ku lahayn dalka. Waa in laga takhalusaa siyaasadaa santaaga Duriyada (Isaq chauvinism) oo la xaqiiqsado sidii Xaaji Cabdi Waraabe sheegay inaanay ahayd siyaasad Duriyadana dhaqaysa oo aanay ku heshiin karin dadka kale ee reer Somaliland na faquuqaysa keenaysana burbur iyo baa’ba. Uma baahna shacabka Somaliland in lagu mashquuliyo mushkiladihii dhacayey 40 iyo 50 ka hor laakiin waxay u baahan yihiin in baahiyaha maanta ay qabaan la buuxiyo oo xal loo helo haday noqon lahayd faqriga, shaqo la’aanta, sicir bararka, waxbarshada iyo caafimaadka gacansiga noqday ee dadkii caadiga (common men) aanay goyn karin, musuqa baahay ee dowladnimo iwm.