Writen by Qaran News |

Dhawaan sida uu ka hor sheegay baarlamaanka Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxaa la filayaa in uu safar ku tago dalka Maraykanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tago dalka Maraykanka.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa laga arkayey warbaahinta iyo qaar ka mid ah maxadyada falanqeeya siyaasadda Maraykanka, baaqyo isasoo tarayey uu ku aaddanaa samaynta xidhiidh cusub oo dhex mara Somaliland iyo Maraykanka.

Halkee se wax ka soo bilaabmeen?
Somaliland iyo Maraykanka ma aha markii u horreysay ee la isku xidhiidhiyo ama si uun uu usoo baxo warka sheegayaa in xidhiidh gaar ahi dhex marayo. Mana aha markii u horreysay ee ay kulmi doonaan madax ka kala socoto labada dhinac.

Horraantii sannadkii 2008 bishii Janurary, Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo uu weheliyo Wasiirkiisii Arrimaha Dibedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo xubno badan oo ka tirsan golahiisa wasiirada, ayaa lagu martiqaaday Washington booqasho ay si rasmi ah u qiratay xilligaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku.

Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Jendayi Frazer, ayaa xilligaas kulan la qaadatay Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, sida ay warbaahintu tebisay waagaas.Laba toddobaad uun ka dib, bishii February, waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa soo gaadhay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsanayd Afrika Jendayi Frazer, iyada iyo Ambassador John M. Yates oo ah dublamaasi ruug-caddaa ah oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ahaana ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya

Dr. Frazer, waxay waagaas sidaa ku noqotay sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee Maraykana ee yimaadda Somaliland tan iyo markii Hargeysi ay sheegtay in ay Muqdisho kala soo noqotay dawladnimadeedii ayna yihiin jamhuuriyad goonni isu taagtay. Xilligas waxaa wadahadallo rasmi ah ay la yeelatay madaxda ugu sarraysa xukuumadda, sidoo kale waxa ay si gaar ah ula kulantay wakiillo ka socday saddexdii xisbi siyaasadeed ee Somaliland ka diwaangashanaa xilligaas -Udub, Kulmiye iyo Ucid.

Maxaa imika soo cusboonaaday?
Marka laga tago Safarka Madaxweyne Biixi ee qorshaysan, dhanka kale waxaa dhawaan gaadhay magaalada Hargeysa shaqaale ka tirsan Koongareeska Maraykanka oo kulamo la qaatay madaxda Somaliland.

Dhammaadkii sannadkan waxa lagu baahiyey warbaahinta Newsweek qoraal la sheegay in uu qoray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana qoraalkaas uu ku dooday in Somaliland iyo Maraykanku ay xilligan isu baahan yihiin

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo madaxweynaha Taiwan.
XIGASHADA SAWIRKA,TAIWAN GOVERNMENT
Qoraalka sawirka,
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland iyo madaxweynaha Taiwan.

“Mabda’a muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Joe Biden ee ah iskaashi lala yeesho asxaabta dimuqraadiga ah ee isku fikirka ah ee ay yoolalka wadaagaan Ma jirin baahi ka weyn oo maanta loo qabo istaraatiijiyadan cusub, maadaama khilaafyadu ku sii baahayaan adduunka oo dhan” ayuu qoraalku ku sheegay Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana uu sii xoojiyey in xilligan uu Maraykanku geeska uga baahan yahay saaxiib la isku hallayn karo, isaga oo sheegay in Somaliland u qalanto maadaama ay ‘isku afkaar yihiin, hadday tahay dhinayada dimuqraaddiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha’ sida uu qabo Madaxweyne Muuse Biixi.

Suuragal ma tahay in xidhiidh adagi dhex maro?
Shiinaha oo kala duwanaansho iyo xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka, waxa uu isku deyeyaa in uu geeska ku harqiyo lacago balaayiin ah iyo deymo ay ku lammaan yihiin dhisidda kaabayaasha dhaqaale, xilli ay xidhiidho isdabajoog oo qotodheer la yeelanayaan dalalka ku yaalla qaaradda.

Markan dadka siyaasadda falanqeeya waxa sheegayaan in Maraykanku ku qasban yahay in uu sii labanlaabo sii joogitaankiisii iyo xidhiidhkiisii Afrika, gaar ahaan geeska.

Somaliland sida ka muuqata waxa ay si cad u kala doorteen Maraykanka iyo Shiinaha. Xidhiidh korayey oo imika u muuqda in uu marayo meel aad u sarraysa waxa ay la yeesheen Taiwan – oo sheegata in ay ka madaxbannaan tahay Shiinaha, tabta Somaliland ku tahay Soomaaliya.

Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa ammaanay galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaan “Somaliland.”

“Waa guul laga gaaray xiriir diblumaasiyadeed ee naadirka ah ka dib markii ay Taiwan xiriir la yeelatay gobolka madaxa bannaan ee Somaliland”, ayaa lagu qoray wakaaladda wararka ee Mareykanka ee Associated Press

Dowladda Mareykanka, sida dowlado kale oo badan, xidhiidh toos ah oo diblumaasiyadeed lama lahan Taiwan, balse waxaa sharci ku ah in maamulkaas dimuquraadiga ah ay difaacaan, waxkasta oo ay qaadato. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay dhaqaale gaaraya $620 milyan oo dollar oo lagu sii horumarinayo gantaallada dhulka ee Taiwan illaa kuwa circa, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda ee maamulka Donald Trump. Shiinaha wuxuu aalaaba ka soo horjeestaa in Mareykanka uu hub ka iibiyo Taiwan.

Somaliland waa mid ka mid ah labada dal ee Afrika ku yaal ee xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa la leh Taiwan. Midkii ugu horreeyay wuxuu ahaa dalka yar ee Eswatini, oo xidhiidh la yeeshay 1968.

“Hore wuu u jirey xidhiidh u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka. Weliba xilligii Daahir Rayaale madaxweynaha ka ahaa Somaliland waa uu sarreeyey. Laakiin tobankii sano danbe waxaa iska beddelayey oo halkii hore wuu ka hooseeyey. Se kollayba ma aha xidhiidha hadda la yabyabayo oo la bilaabayo” ayay sheegtay Ayaan Maxamuud, oo hore wakiil ugu ahayd Somaliland ku metela dalka Ingiriiska.

Sen. Chris Van Hollen (D-Md.), oo ka tirsan guddi-hoosaadka Afrika ee Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senetka oo la hadlayey wargeysa Politico waxa uu sheegay in xilligan ay tahay in Maraykanku la macaamilo Somaliland.

Maxay tahay dowladda ay Somaliland xiriirka la yeelatay ee Taiwan?
Shiinaha ma ku dhacaa inuu weerarro Taiwan?
Khatarta dagaal ganacsi kaga dhex qarxi karto Maraykanka iyo Shiinaha oo sii kordhaysa
“”Aragtidaydu waxay tahay in Maraykanku uu si aad ah ula macaamilo Somaliland. Habka ganacsi ee Shiinaha ee qaaradda, iyo xaqiiqda ah in ay isticmaalaan awoodooda dhaqaale ee si ay u helaan tanaasulaad ka timaada dalalkan, tani waa fursaddii Maraykanku ku ballaadhin lahaaa joogitaankooda diblomaasiyadeed ee geeska” ayuu yidhi Van.

Ayaan, ayaa iyana qabta aragti ka agdhaw taas oo ah in laba dhinac – Somaliland iyo Maraykanku ay si fudud isula jaanqaadi karaan, marka loo eego waxyaalaha badan ee mideeya.

“Maraykanka waxaa saamaynaya xaaladda geeska oo qasan oo rejo badan laga qabay toban sano ka hor, Soomaaliya, Itoobbiya iyo Suudaan oo khilaafyo siyaasadeed ka jiraan markaad eegto Kenya iyo Somaliland ayaa xaaladoodu deggan tahay. Markaa Somaliland waa dimuqraaddi, wayna deggan tahay, cilaaqaadna lama leh shiinaha markaas taas ayaa u sahlaysa in ay isla jaanqaadaan Maraykanka iyo Somaliland” ayaa ay sheegtay Ayaan Maxamuud.

Muddooyinkii u danbeeyey waxaa ka sii kululaanayayey xaalka siyaasadeed ee Geeska Afrika, oo marar badan kala duwanaanshihii u dhaxeeyey dhinacyada siyaasadeed ee is khilaafsan uuba gaadhay heer dagaal. Dalka Itoobbiya waxaa muddooyinkii ka taagnaa khilaafkii u dhaxeeyey xukuumadda Abiy iyo fallaagada Tigray, arrintaas oo qaar badan oo ka mid ah waddammada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanku ay ka walaacsanayaan xaalka ka taagan halkaas.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa iyana xaalad siyaasadeed oo aan degganayn, inkasta oo nabadda guud ay Alshabaab lid ku ahayd, haddana waxaa taagan khilaaf ku aaddan doorashada kaas oo marba marka ka danbaysa mugdi sii gelinaya nabaddii iyo dawladnimadii ay kaabayeen soddonkii sano ee u danbaysay beesha caalamku.

Calamada Mareykanka iyo Shinaha oo darbi lagu xardhay
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeley hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.

Marka la eego xaaladahaas geeska ka taagan, falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa sheegaya in Somaliland markan tahay waddo u furan Maraykanka.

“Maraykunku wuxuu u baahanyahy meel uu isku hubo oo khatarahaasi aanay kasoo gaadhayn. Dhinaca kalena waxaa tartamaya dalalka dimuqraaddiga iyo kuwa aa dimuqraaddiga ahayn, qaar Shiinaha, ruushka iyo Iran ayaa horkacaya. Halka dhanka kalena Maraykanka, Taiwan iyo dalalka la halmaalaa ay calanka u sidaan, markaa Somaliland safkan danbe ayay si dabeeci isku waddo u yihiin oo isugu xidhmayaan”. ayaa ay tidhi Ayaan.

Machadka The Heritage Foundation oo ka dhisan Maraykanka ayaa isna qoraal uu dhawaan ka sameeyey baaqyada Somaliland iyo Maraynkanka ciwaan uga dhigay ‘Maraykanku waa in uu aqoonsadaa Somaliland’.

“Aqoonsigu wuxuu sidoo kale kor u qaadi doonaa ajendaha dimoqraadiyada Mareykanka iyadoo lagu abaalmariyo dowlad iyo dadkeeda oo ku noolaa go’aan dhab ah oo dimoqraadiyad ah soddon sano waxayna u suurtagelineysaa Washington inay bixiso taageero aan kala go ‘lahayn si ay uga caawiso inay sii horumariyaan dowlad matalaysa.”

Somaliland muddooyinkii u danbeeyey waxaa muuqatay in ay xidhiidho cusub la yeelanayso dalal badan iyada oo madaxdeeda wasaaraddda arrimaha dibaddu ay safarro kala duwan ku kala tageen, waddamo ka mid ah Afrika, Bariga dhexe, Yurub iyo Ameerikaba. Kuwaas oo isbeddel hor leh u ahaa qaabkii ay Somaliland u waajhi jirtey waayaheeda ‘ictiraaf raadinta.

2020-kii wakiillada Boqortooyada Yellow Mountain, oo ah dhul aanay cidina sheegan oo u dhaxeeya Masar iyo Suudaan, ayaa waxa ay booqdeen Hargaysa, iyagoo rajo ka qaba inay “safaarad” halkaas ka furtaan.