Warbaahinta BBC News Arabic ayaa baahisay barnaamij falanqayn ah oo si qoto dheer diiradda loogu saaray taariikhda, siyaasadda, iyo doorka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, iyadoo si gaar ah loogu lafo-garay qadiyadda madax-bannaanideeda iyo aqoonsiga caalamiga ah. Barnaamijka oo uu daadihinayay cilmi-baadhe ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika, Ali Hindi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay sooyaalka iyo horumarka siyaasadeed ee Somaliland.

Barnaamijku waxa kale oo uu iftiimiyay in Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo 1991-kii ay ku naaloonaysay hay’ado dawladnimo oo si casri ah u shaqeeya, isla markaana ay si joogto ah u qabato doorashooyin dimuqraadi ah oo awoodda xukunka dalka si nabad ah la isugu kala wareego. “Bishii June 1960, Somaliland waxay ka xorowday Ingiriiska, maalmo kadibna waxay la midoowday Koonfurta Soomaaliya oo Talyaanigu maamulayay. Tallaabadan waxaa lagu tilmaamay ‘riyadii jacaylka iyo midowga,’ laakiin markii dambe waxay keentay dhibaatooyin siyaasadeed iyo nidaamkii kaligii-taliska ahaa ee Siyaad Barre.”

Falanqaynta barnaamijku waxay sidoo kale dib u milicsatay taariikhda gobolka, iyadoo xustay in Somaliland ay 26 June 1960 xorimadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ka dibna ay si iskeed ah ula midowday Koonfurta Soomaaliya. Khabiirka barnaamijku wuxuu tilmaamay in midowgaasi markii dambe fashilmay, gaar ahaan xilligii nidaamkii milatariga ahaa ee Siyaad Barre, taasoo ugu dambayn sababtay in Somaliland dib ula soo noqoto madax-bannaanideeda 1991-kii.

Barnaamijku wuxuu sharaxay kala duwanaanshaha taariikheed ee dawladnimada Somaliland iyo kuwa kale sida Muqdisho, Jabuuti, iyo Soomaalida ku nool Kenya iyo Itoobiya. Waxa uu tilmaamay in bulshada Soomaalidu markii hore ay ka koobnayd shan qaybood oo kala gooni ah, kuwaas oo kala ahaa: Somaliland (Ingiriiska), Koonfurta Soomaaliya (Talyaaniga), Jabuuti (Faransiiska), Soomaali Galbeed ( Itoobiya), iyo NFD (Kiiniya).

Barnaamijku wuxuu sidoo kale xusay in Somaliland maanta ay leedahay nidaam siyaasadeed oo u gaar ah iyo xasillooni ka duwan xaaladaha ka jira qaybo badan oo gobolka Geeska Afrika ah. Arrintaasina ay Somaliland u suurtagelisay inay ka soo muuqato masraxyada siyaasadda caalamiga ah, isla markaana ay noqoto deegaan deggan oo muhiim u ah amniga iyo ganacsiga gobolka, gaar ahaan goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo ee marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ugu dambayn, falanqayntu waxay muujisay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku tallaabsatay horumar muuqda iyo diblumaasiyad firfircoon oo soo jiidatay indhaha Caalamka, waxa kale oo ay xustay inkasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed in haddana horumarka dimuqraadiyadeed, xasilloonida, iyo muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland ay sii kordhinayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka aqoonsigeeda caalamiga ah.