Somaliland iyo shabaab!
Marar badan baan maqlay labadaas oo la is ku xidhiidhinaayo, amma is ku meel la gu sheegaayo, laakiin se maxaa run ah? Shir ay IGAD qabatay November 2022 oo aan ka ga qayb galay magaalo Addis duleedkeeda ku taalla oo la yidhaahdo Bashiftu, dad badani na u yaqaaneen ‘Dabrasate’, oo ah magacii Axmaaradu u bixisay beryihii calankoodu taagnaa, ayaan ku la kulmay ka soo qaybgalayaal kale oo Soomaali ah. Maalintii shirku dhamaaday aniga oo la qadaynaaya waftigii Jabuuti ka socday, ayuu nin ka mid ah Soomaalidii shirka timid na gu soo biiray. Sidii caadiga ahayd siyaasaddii iyo qabiilkii is ku dhafnaa ee Soomaalida ayay sheekadii gashay.
Ninkii noo yimid ba durba sheekadii u leexiyay mawduucaas Somaliland iyo Shabaab. Wuxu yidhi, isaga oo Reer-Jabuuti gii is leh xog sii, anakaa ogg oo SL iyo Shabaab xidhiidh wada shaqayneed baa ka dhexeeya. “Anaka”, ayuu ku celceliyay, markaa aakhirkii waxa aan ku idhi adiga iyo? Wax jawaab ah muu helin, aad na waa loo qoslay. Markaas buu yar xanaaqay oo yidhi – Siyaad in uu Waqooyiga burburiyo 1988kii sax bay ahayd, maxaa yeelay xaqiiqadooda dhabta ah buu ogaa. Nin aanay da’diisu sidaas u weynayn buu ahaa, markii aan weydiiyay inta uu jiro na, waxa uu ii sheegay in afar jir ahaa markii Siyaad dhacay. Markaas baan ku idhi, oo haddaa yaa ku gu yidhi Siyaad noo ga sheekee?
Hadana waxa aan ku idhi, Shabaab iyo SL in xidhiidh ka dhexeeyo wax cadayn ah ma u haysid, xataa se hadiiba aan taada kuu raaco, Siyaad ma waxa aad leedahay 1988kii buu sii ogaa in wax Somaliland la yidhaahdaa uu iman doono, oo wax Shabaab la yidhaahdaa iman doono, oo labadaasi na ay noqon doonaan saaxiibo sida caanaha iyo biyaha isu gu milan? Ma sidaas baad leedahay? Baan ku idhi. Hadana mar kale ayaa la wada qoslay, isna mar kale ayuu sii xanaaqay. Qoladii Reer-jabuuti buu ku yidhi – idinku waxba ma ogidin. “Oo adigu maxaad ogtahay?” baan hadana ku idhi. Wax kale ma ku garatid ee sidii caadiga ahayd ee shekada Soomaalidu marar badan daal iyo micno la’aan u gu soo dhamaan jirtay baanu isu la meeraysanay.
Hadaba, dadka aan maqlay ee SL iyo Shabaab is ku xidhiidhiya oo dhan, la ga soo bilaabo Sheekh Cabdi Xirsi, oo maalin dhawayd yidhi Security Council ka ayaa SL file keeda shabaabnimada la gu soo bandhigay, iyada oo UN Security Council ka kulamadooda oo dhami online (public) yihiin oo aan la ga been-abuuri karin, ilaa Cabdiwali Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland, ilaa la ga soo gaadho wiilkii aan November is ku baranay Itoobiya, wararka ay faafinayaan waa dacaayad amma aqlabiyadda weyn baa ah.
Laascaanood dadkii wax ku layn jiray qaarkood oo la qabtay, oo maamulka SL ay Hargeysa iyo Galbeed la aadeen, warkooda dib loo ma maqlin, abidkood na maxkamad la ma geynin; waa doodda u gu maangalsan ee badka taalla. SL abidkeed jawaab micno leh ka ma bixin doodo ay taasi ka mid tahay, in kasta oo caadi ahaan aanay waxna ba jawaab micno leh ka bixin, oo dhinacaas habaar ka ga dhacay.
Is ku soo wada duub, nacasnimooyinka iyo qaladaadka la hubo ee banaanka yaallaa iyada oo ay buux yihiin, muhiim ba ma aha tu aan la hubin in la is ku daaliyo. Shabaab iyo SL wixii la ga sheegaa badankiisu waa war loo adeegsado hub ahaan, yacnihii hub siyaasadeed iyo ku xumee. Waxa ay la jaad tahay doodda Muuse Biixi ee ah Laascaanood cidda ka dagaalamaysaa waa Shabaab, in kasta oo mar dambe uu ka noqday oo dareemay in aanay shaqaynayn. Al muhim, Soomaalidu hadii aanay daynayn in ay is eedayso amma dhiigeeda qubto, ha is ku eedayso oo ha is ku dagaasho wax la taaban karo oo la is tusi karo. Markaas xalka ayaa soo dhawaanaaya, maxaa yeelay wax la taaban karo ayaa badka yaalla.