Writen by Qaran News |

SOMALILAND IYO XAALADDEEDA MAANTA OO AAN DARAASADEEYEY.

 

Sawirka aan korka dhigay waa Madaxweynaha J Somaliland ee sharciga ah. Waa shakhsiga uu dastuurku siiyey awoodda ugu sarraysa ee dalka iyo maamulkiisa. Shacabkuna ay uga fadhiyaan in uu dalka ku hoggaamiyo caddaalad iyo sinnaan.

Haykalka awood ahaan la tilmaami karo ee ka mid ah tiirarka dawladda SL, waa labada gole ee xeer dejinta oo aanu midna xilligan golaha ku fadhiyin sifo sharci ah. Balse xilligan kuraasta ugu fadhiga qaab ku meel gaadh oo loo arkay xal. Isla markaana dhago u leh awaamiirta madaxweynaha.

Xisbiyada mucaaridku waa kuwo rajo sugayaal ah, isla markaana quuddaraynaya in ay mar uun nasiib u helaan hanashada hoggaanka dalka. Laakiin wakhtiga doorashada ayey sugayaan. Doorashadaasi oo immiga ay ka hadhsan tahay inta Madaxweyne Muuse uga hadhay muddo xileedkiisa. 3 sano in ka badan oo ay doorashada sugaanna, waxa ka soo hor maraya xilligii xisbiyada la furayey, oo la filayo in xisbiyo cusubi soo baxaan.

Sida ay dad badani fahamsan yihiin, xilli kordhinta ay guurtidu u sameeyeen labada gole ee xeer dejintu, maaha siyaasad loogu quus goynayo xisbiyada mucaaridka ah ama Mdx Muse Bixi doonayo in uu wakhtiga ku riixo, xilliyada xisbiyada la furayo. Balse taasi waa mid mar walba imanaysa. Doorashada baarlamaanka iyo ta guurtida ee dib loo riixanayna may joojiseen. Laakiin hoggaanka xisbiyada mucaaridka ayaa rajo ka qabay in haddii doorashada loo galo sida ay rabaan, ay duurta gal noqon lahayd in baarlamaanka cusubi muddo kordhin u samayn lahaa xisbiyada immiga jira…..taasina buuqeeda ayey yeelan lahayd. Dabac uu Mdx. Bihi sameeyaana waxa ay guul u noqon lahayd xisbiyada mucaaridka.

Arrinta ay xisbiyada mucaaridku ka biyo diideen ee ah xubnaha commission ka ee Riyo-Raac ka mid yahayna, waxa ay immiga u eg tahay in ay tahay mid ay ku xad-gudbeen xuquuqda muwaaddinkaa. Oo aan wax danbi ah ka gelin qaranka iyo shacabka reer Somaliland, isla maraana aan xaq loogu lahayn in la yidhaa, ‘ kama mid noqon karo haykallada dawladda’. Haddii ay shuuradda ay mucaaridku cuskadeen ay tahay in uu xisbul xaakimka xubin ka ahaa golaha dhexe, waxa ay ahayd uun in la hubiyo inuu ka ruqsaystay iyo in kale. Sideedabana commission ku waa uun co-ordinater ama maamulka guud ee doorashada. Hase yeeshee, waxba kama beddeli karo sanaaduuqda gobollada iyo degmooyinka ku filiqsan ee codadka xambaarsan.

MURANKA XILLIGAN JIRA

Waa mid iska caadiya in ay mucaaridku mar kasta ufo iyo siigo kiciyaan. Oo ay maamulka xilligaa jira ka ciideeyaan shaqada uu qabanayo, ummadda ka hor keenaan iyaga oo shugux shugux badan u tumaya shacabu-nadalka aan wax badan fahamsanayn.

Aniga iyo in badan oo kaleba waxan garan karraa, in aan la joogin WAKHTI DOORASHO oo loo kala jabo mucaarid iyo muxaafid. Sabab buuq siyaasadeed u dhashaana aanu oollin. Laakiin ay mucaaridka shaqadiisa tahay, in ay lugaha qabtaan xukuumadda iyo Madaxweynahooda. Kadibna ay soo jiitaan indhaha shacabka.

Madaxweynaha waaya aragga u ah siyaasadaha noocani ahina sida Mdx. Bihi oo kale, waxa uu isna dheelaa cayaar MIDDI MIDDI KU TAAG AH. Oo uu awooddiisa ku muujinayo, isla markaana uu u quus goynayo ujeeddooyinka mucaaridka. Sidaasi daraaddeed, ayaa uu Madaxweyne Muse xilligani uu muruqyaddisa u tusayaa mucaaridka. Tallaabooyinka uu maal mahan qaadayna waa kuwo niyad jab ku riday taageerayaasha mucaaridka, isla markaana u iftiimiyey in aanay mucaaridku awood badan lahayn.

Tusaale ahaan Mdx Bihi awooddiisa madaweyne ka sokow waxa uu haystaa 62/82 taageerada golayaasha sharci dejinta ah ee sida sharci darrida ah u fadhiya golayaasha..
.oo dhago fiiq fiiqan u leh amarradiisa. Waxa kale oo uu taageero ka haystaa reeraha ay xisbiyada mucaaridku gaashaanka ka dhigtaan. Oo qaybtooda iyo ka badan ku leh xukuumadda Mdx Bihi. Halka kuwa taageeraa ay ka haystaan saami liita, oo aan saamigoodii ahayn. Balse ujeedka taageeradooda xukuumaddu ay si kale tahay.

Dhinac kale marka aan joogsanno, waxa kuu muuqanaya, reero isku arka kuwo awr awran oon talada dalka Somaliland maanta waxba ku lahayn wakhtigoodana sugaya. Oo ay ahayd in uu Mdx. Muse u caddaalad falo ama ay iguba u gar naqsadaan.

DHEX DHEXAADIYAYAASHA IS CALEEMA SAARAY.

Odayada u badan ganacsatada ee isku xil saaray in ay dhex galaan xukuumadda iyo xisbiyadu, maaha kuwo famo badan u leh siyaasadda dhex miranaysa Xisbiyada iyo Mdx Muse ama way is yeel yeelayaan. Natiijo ka soo baxaysaana iima muuqato. Waxase ay maaweelo u tahay shacabka xiiseeya siyaasadda iyo xisbiyada mucaaridka ee dheeshii hore sida xun looga badiyey.

BEESHA CAALAMKA

Beesha caalamka iyo mawqifkoodu waa mid aan sidaa u sii ridnayn, xaalkooduna uu ku eg yahay xaalaadka oo ay dhudhumiyaan iyo talo ay bixiyaan. Balse, aan ku tallaabsanayn dhabar jabin dhaqaale iyo waxa u qabsoomay oo ay bur buriyaan.

Guusha Mdx. Bihi ee uu awooddiisa ku gaadhi karaana, maaha uun MIDDI MIDDI KU TAAG. Balse waa shacabka oo uu hanto, talada waaagsan oo uu qaato iyo dawladdiisa oo uu ku soo daro haldoor aqoon iyo garasho dheer leh. Kana sifeeyo wax-ma-garadka dhan walba u liita. Ee aan caalamka u iibgayn karayn shaqadiisa wasaaradeed ama ha’adeed.

Akhristow intaa maxaad ku dari?

Ahmedweli Goth