Somaliland Ku Dhisnaan Mayso Dib U Dhaca Doorashada Madaxtooyadda Iyo Muddo Kordhin Xaraan Ah… M/weyne Muuse Biixi

Halkan Ka Daawo warkaas oo Muqaala:-

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u ballan-qaaday ka hor inta aan loo doorran Madaxweynaha Qaranka Somaliland in doorashada Madaxtooyadda uu wakhtigeedii ku qaban doonno,taas oo uu sheegay in dib-u-dhaceedu dhib ku yahay dalka. Islamarkaana ay muhiim tahay in Doorashada Madaxtooyadda lagu qabto Wakhtigeedda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hore u sheegay  in haddii shacabku doortaan aanay doorashooyinka Somaliland dib-u-dhac ku imanayn oo uu wakhtigeedda ku qabanayo Doorashadda Madaxtooyadda, taasi oo uu sheegay haddii doorashadda Madaxtooyaddu dib u dhacdo inay qaranka ku keeni karto dhaawac iyo dhiig-bax halis ku ahaa dimuquraadiyadda iyo jiritaanka dalka.

Madaxweyne Biixi oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Somaliland Ku dhisnaan mayso dib u dhaca doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Muddo-kordhin xaaran ah. Waxaan shacabka u ballan-qaadayaa haddii dalka Madaxweyne laygu doorto in aanay jirayn in doorashooyinka Madaxtooyaddu dib u dhacaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi wuxuu si af-gobaadsi ah ugu sheegay khudabadii ugu dambeysay ee uu ka horjeediyey bishii may 2022-ka Golaha Baarlamaanka in doorashooyinku sida ay u kale horeeyaan loo qabanayo sannadkan 2022-ka “Xukuumad ahaan xilka koowaad annaga ayuu na-saaran-yahay, annagana waxaa naga go’aan ah si kastaba awoodayada intay gaadho labada doorasho sida ay yihiin in ay innoogu hirgalaan. Waayo waxaa ku jirta aaminaada dadka iyo in ninka kursiga joogaa aannu wax dib u sii jiidin” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Muuse Biixi oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland, ayaa ballan-qaadkii uu shacabka u sameeyey wakhtigii doorashaddiisa Madaxtinimadda iyo marar kale oo baddan ka leexday jidkii ahaa inuu doorashada Madaxtooyadda uu ku qabanayo wakhtigeedda.Islamarkaanna wuxuu ku hawlan yahay siddii uu muddo kordhin u heli lahaa, waxaanu fara-gelin ku sameeyey oo uu meesha ka saaray Guddidii doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo uu ku khasbay inay iska casileen si uu murraadkiisa  Muddo kordhinta ah  u dhex- marsado Golaha Guurtidda, meeshanna uga saaro qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda ee ku beegan 13 November.