Somaliland oo Kaadhka Muwaadinka Siisay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK
Hargeysa(Qaran news) – Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo si wayn ugu ololeleeya qaddiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, la siiyay Kaadhka Muwaadinka iyo basaaboorka Somalilandba, waxaanu caddeeyay in uu maanta laga bilaabo ka mid yahay muwaadiniinta reer Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa Xildhibaanka xog waran ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horuumarka ka socda dalka, iyadoo Wasiirku si wayn Xildhibaan ugu mahadnaqay dedaalka uu la garab taaganyahay Somaliland iyo qaddiyada Somaliland uu horgeeyey aqalka Baarlamaanka Ingiriiska.
Waxaanu yidhi. “Maanta waxa ina soo booqday xildhibaan baarlamaanka Ingiriiska mudanahan ka tirsan, waxaanu uga mahadcelinayna barnaamijka uu sida iskii ah isugu xilqaamay, ee ay kala qayb galaan xidlhibaanada kale ee faraha badanleh, dooda Somaliland uu horgeeyay aqalka baarlamaanka Ingiriiska goluhuna ay ogolaadeen.
Xildhibaan Sir Gavin Williamson waxa uu haysta dhalashadii iyo basaboorkii Somaliland, isla markaana uu ka mid noqonayo muwaadiniinta reer Somaliland, wuu inala shaqeeya inaguna waynu la shaqaynaynaa, taariikhda umada Somalilandna way xasuusnaanaysaa”